4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 16, 2015
Madal uu hogaaminayo ra'iisul wasaarihii hore oo Muqdisho looga dhawaaqay


Isniin, Feberaayo 16, 2015 (HOL) — Kulan laba casho Muqdisho ka socday, isla markaana looga tashanayay sidii loo dhisi lahaa madal ay ku mideysan yihiin aqoon-yahanno, In-dheer-garad, siyaasiin, xisbiyada siyaasadda iyo kudlooyinkii baarlamaanka Somalia ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho.

Shirarkaas ayaa ugu dambeyn waxaa la iskula gartay in la dhiso madal loogu magacdaray - Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed, iyadoo munaasabad loo sameeyay dhismaha madashan ay ka qayb-galeen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Madasha Midnimada Dimuquraadiyadda Soomaaliya ayaa guddoomiye loogu doortay ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed; iyadoo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee madasha loo doortay Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyow). Sidoo kalena waxaa la doortay dhowr xubin oo guddoomiye ku xigeenno ah, kuwaasoo kala ah; Xuseen Carab Ciise, Dr. C/shakuur Sh. Xasan Fiqi, halka xoghayaha guud loo doortay Cali Maxamed Maxamuud (Cali Xareed).

“Cidna cadow kuma ahan Madasha, dowladana si wanaagsan ayaan kula shaqeyn doonnaa, wixii u baahan talo iyo tusaalana waan u jeedin doonnaa,” ayuu guddoomiyaha Madasha, C/weli Sh. Axmed Maxamed ka sheegay munaasabadda madashan looga dhawaaaqay.

Ugu dambeyn, waxaa hadallo kooban goobta ka jeediyey xubnihii la doortay waxayna ka sinnaayeen inay Madashan cusub ku hogaamin doonaan si ay Soomaalinimo iyo cadaaladi ku jiro.

Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegeen xubnihii hadlay in Madashaan ay u furan yihiin mawaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan laguna soo dhaweynayo gacmo furan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya