4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 16, 2015
Kulan looga hadlay aayaha Siyaasadeed ee Hiiraan oo ka dhacay Beledweyne


Isniin, Feberaayo 16, 2015 (HOL) — Kulan weyn oo odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ay hormuud ka ahaayeen ayna ka qayb-galeen aqoonyahano, haweenka, ururrada dhalinyarrada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, loogana arrinsanayay ayaaha iyo mustaqbalka siyaasadeed e gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu qabtay Beledweyne.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha federaalka iyo dhismaha maamul gobolleedyada oo todobaadyadii ugu danbeeyay kulammo looga arribnsanayo ay ka socdeen gobollada dalka Soomaaliya.

Odayaashii iyo waxgaradkii ka qayb-gallay ayaa siweyn uga soo horjeestay kulammo maalmihii ugu danbeeyayba ka socday magaalada Muqdisho, kuwaa oo looga  hadlayay dhismaha maamul wadaag ah oo ay sameystaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, iyaga oo sheegay  mar walba  tallada ku saabsan hab raaca nidaamka federaalka in ay ka go'do bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan.

“Waxaan maalmihii na soo gaarayay warar ku saabsan shirar iyo kulamo la leeyahay waxaa looga wadda hadllayaa dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo Muqdisho ka dhacayay, meelaha qaarna waxaa laga hadllayay ilaa saddex gobol oo kala ah Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Banaadir, annaga shirarkaas nama quseeyaan, gogosha looga arrinsanayo nidaamka federaalka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka waxaay tallaa oo ay fidsan tahay magaalada Beledweyne, cid kasta oo arrintaa daneyneysa waa in ay halkan timaadaa ayuu yiri'' nabadoon Max'ed Cabdi Raaxooy oo ka mid ahaa odayaashii ka hadllay kulanka.

Kulanka ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ka soo jeeda gobolka Hiiraan in ay ku soo biiraan gogosha looga arrinsanayo dhismaha maamul gobolleedka iyo nidaamka federaalka ee ka furan magaalada Beledweyne.

Sidoo kale, ka qeyb-galayaasha ayaa sheegay in marnaba aysan ka soo horjeedin hergalinta nidaamka is maamjul goboleedka ''Federaaliisimka'' hase yeesheen aysan aq-bali doonin in mustaqbalka iyo ayaaha siyaasadeed gobolka la marin habaabiyo.

“Reer Hiiraan ma diidana nidaamka is maamul gobolleedyada, hase ahaatee ujeeddada kulankeenna waa inaan Soomaalida kale iyo adduunka intaba u sheegno in magaalada Beledweyne ka furan tahay gogosha looga hadllayo federaaliisamka iyo sida ay gobollada isku raacayaan, siddaa daraadeed xildhibaannada iyo siyaasiyiinta arrintan sidda weyn u daneynaya waxaan leenahay waa in aad ku soo biirtaan gogosha Beledweyne tallaa ayuu yir'' nabadoon Faarax Cabdi Waare.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa ku baaqay in aan la siyaasadeynin dhismaha maamul gobol-eedyada, loogana baahan yahay dowladda iyo siyaasiyiinta arrintan ku howlan inay dadka ka tala-galiyaa si ay u dhismaan dowlad gobolleedyo leysku raacsan yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya