4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 16, 2015
FAAHFAAHIN: Saraakiil Muqdisho lagu Toogtay iyo Al-shabaab oo Sheegatay


Isniin, Feberaayo 16, 2015 (HOL) — Afar qof oo uu ku jiro darawalkii gaarigii ay wateen saddex sarkaal oo ka tirsanaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa maanta lagu dilay isgoyska KM-4 ee Muqdisho, iyadoo dilka xubnahan ay sheegatay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Shaqaalahan iyo darawalkooda lagu dilay toogashada ayaa la sheegay inay ka yimaadeen xilliga la dilayo garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo watay  gaari yar oo kuwa raaxada ah.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa soo gaaray goobta kaddib markii uu dilku dhacay, iyadoo dilkan uu ka dhacay illinka hore ee hoteelka Naasa-hablood oo ku dhow isgoyska KM-4.

Haddaba Magacyada Saddexda Sarkaal iyo Darawalkoodii ayaa kala ahaa;

1. Abuukar Caddaani, Agaasimaha Gaadiidka Hawada Soomaaliya
2. Maxamed Axmed Haaruun, Maareeyaha Hagidda Hawada
3. Maxamed Kadiye Jimcaale, Maareeye ku xigeenka Duulista Hawada iyo
4. Xuseen Hilowle Caddaan oo ahaa darawalkii gaariga saddexda sarkaal

Maydadka saddexda sarkaal iyo darawalkooda ayaa waxaa goobta ka qaaday ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugidda dowladda Somalia, iyadoo kooxihii dilka geystay ay goor-hore baxsadeen.

Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka sadexda sarkaal ee ka tirsanaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyo darawalkii u waday gaariga.

“Ciidamadeena gaarka ah ayaa fuliyay dilka saddexda sarkaal ee DFS ka tirsnaa, waana sii wadi doonnaa ugaarsiga aan ku hayno xubnaha dowladda,” ayay Al-shabaab ku sheegtay warbixin ay soo saartay.

Ugu dambeyn, dilkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay kooxo hubeysan oo ka tirsanaa Al-shabaab ay xaafada Tabakaayo Madow oo ka tirsan degmada Dharkeynley ay ku dileen sarkaal ka tirsan wasaaradda qorsheynta oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Siyaad.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya