4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 16, 2015
SIIDII: Shabaab Waxay isku Dayeen in Nolosha ay igu Qabtaan (DHAGEYSO)


Isniin, Feberaayo 16, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Sh. Maxamed Nuur (Siidii) oo wareysi uu bixiyay lasoo dhigay warbaahinnada Al-shabaab ayuu ku sheegay in Al-shabaab ay dhowr jeer ku dhaawaceen weerarro ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose.

C/qaadir Siidii ayaa xusay in Illaa afar Jeer ay dhaawaceen xoogag ka tirsan Al-shabaab; isla markaana uu ka badbaaday weerarro isugu jira qaraxyo iyo mid toos ah oo Shabaabku ay ku doonayeen inay ku dilaan sida uu sheegay.

“Waxaa jiray khatarro badan oo iga soo wajahay Al-shabaab, laakiin aan ka badbaaday. Al-shabaab xitaa waxay isku dayeen inay nolosha igu qabtaan,” ayuu Siidii ku yiri warey-siga.

Guddoomiyaha ayaa soo hadal qaaday dhaawacyadii kasoo gaaray weeraro ay Al-shabaab ay soo qaadeen oo uu ku jiray kii tiyaatarka Muqdisho, kaas oo uu xusay inuu dhaawac kasoo gaaray, loogana soo daweeyay Jarmalka.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay inaan la xisaabin karin weerarrada ay kooxda Al-shabaab ku doonayeen inay ku qaarijiyaan, wuxuuna xusay in weerarradaas uu ka badbaaday marka laga reebo dhaawacyo kasoo gaaray.

DHAGEYSO: Codka Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose C/qaadir Siidii

“Middii iigu darnayd waxay ahayd, anigoo deegaanka Leego shaqo u tagay kuna maqnaa dhowr toddobaad, markaan kasoo laabtay anigoo raba inaan xaflad ku sameeyo Balli-doogle ayay Al-shabaab dhabbo gal iigu sameeyeen meel u dhexeysa Yaaqbari-weyne iyo Leego, halkaas dagaal cajiib ah ayaa ka dhacay, waxayna isku dayeen inay nolosha igu qabtaan,” ayuu hadalkiisa ku daray C/qaadir Siidii.

Wuxuu xusay in gaadiid badan lagu gubay goobtaas lagu weeraray, isagoo intaas ku daray in xafiiskiisa Shalaanbood in afar jeer ay hal habeen keliya kusoo weerareen, halkaasoo uu ku dhaawacmay.

“Buufoow ayay gaari iiga gubeen, haddana anigoo u socda garoonkii KM-50, waxay ii galeen meel la yiraahdo Jiilaal-moog. Afar dhaawac ayaa u darnaa dhibaatooyinkii ay Al-shabaab ii geysteen, inta kale waxay ahaayeen kuwo iska yar-yar,” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose.

Waa markii ugu horreysay oo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose ee dowladda F Soomaaliya uu ka hadlo dhibaatooyinkii kasoo gaaray weerarrada Al-shabaab, isaga kaga hadlay wargeysiga uu siiyay warbaahinta Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, gobolka Shabeellada Hoose ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay aadka ugu dagaalameen ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab, inkastoo kooxda deegaanno badan oo gobolkaas ah laga qabsaday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya