4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 16, 2015
Kooxo Hubeysan oo Saddex Ruux ku Dilay Isgoyska Lambar Afar ee Muqdisho


Isniin, Feberaayo 16, 2015 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay dhowr kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii kooxo hubeysan oo gaari watay ay rasaas ku fureen gaariga ay dadkan la dilay wateen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaariga ay wateen kooxaha hubeysan ay ku hor-jareen gaarigii ay dadka la dilay wateen, dabadeedna ay ku fureen rasaas taasoo keenta yin saddex qof oo ka mid ah kuwii gaariga saarnaa ay halkaas ku geeriyoodaan.

Weerarkan lagu dilay saddexda qof ayaa ka dhacay meel ku dhow hoteelka Naasa-hablood ee Muqdisho, iyadoo dilka kaddib ay kooxaha hubeysan isaga baxsadeen goobta.

Rasaasta lagu furay gaariga ayaa la sheegay inay sidoo kale dhaawacyo ka soo gaareen saddex ruux oo kale, iyadoo wararku ay sheegayaan in kooxda hubeysan ay bartilmaa-meedsanayeen mid ka mid ah shaqalaaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkan, iyadoo sidoo kalena aysan hay’adaha amniga dowladdu ka hadlin weerarkan lagu dilay saddexda qof, saddexda kalena lagu dhaawacay.

Xarunta Soomaaliya ayaa waxaa xilliyadii dambe kusoo kordhayay weerarro ay geysna-yaan kooxo hubeysan oo wata gaadiid, iyadoo horay isgoyska KM-4 loogu dilay taliye ku xigeenkii waaxda socdaalka garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wixii kasoo kordha weerarkan waxaad kula socon doontaan wararka HOL ee soo socda haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya