4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 16, 2015
Dowladda Kenya oo xirtay Dad lagu eedeyay inay ka tirsan yihiin Golaha MRC


Isniin, Feberaayo 16, 2015 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xabsiga dhigtay shan ruux oo lagu eedeyay iney ka tirsanaayeen golaha Jamhuuriga Mombasa oo magaciisa loosoo gaabiyo MRC (Mombasa Republican Council) oo horay looga mamnuucay Kenya.

Shanta qof ee la xiray oo ay ku jirto haweeney ayaa waxaa laga soo qabtay xaafada Kisauni ee magaalada Mombasa xili loo dhaarinaayay iney ka mid noqodaan MRC.

Bilayska magaalada Mombasa oo maanta shaaciyay magacyada shantaas ruux, ayaa waxey sheegeen axadii aynu soo dhaafnay iney xireen dadkaas kaddib markii Ciidamada amaanka Kenya ay howl-gala ka sameeyeen Magaaladaas Mombasa, ayna heleen xog’ ku saabsan eedeysanayaashaas oo waday dhaq-dhaqaaq lagu hormarinaayo Golahaas.

Shanta qof ee la xiray ayaa magacyadoodu kala yihiin; Hassan Omar Gawawa, Dhado Idd, Hamisi Omar, Gawawa Bashora iyo Mwanajuma Bakari.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Bilayska Kenya, ayaa tilmaamay in qabashada dadkaas ay sahashay macluumaad ay ka heleen dadka deegaanka markaas kadibna ay weerar kadis ah ku qaadeen gurigii ay ku shirayeen eedeysanayaashaas.

Ciidamada, ayaa sidoo kale waxey ku eedeyeen Haweeneyda la xiray ee ka midka aheyd shantaas ruux iney sixirka wax ku dhaqtarin jirtay, fadhigaasna lagu dhaarinaayay xubnaha kalana ay iyadu soo abaabushay.

Magaalada Mombasa ee xarunta gobalka Xeebta Kenya, ayaa horay waxaa loogu dilay xubno la sheegay iney ka tirsanaayeen MRC halka kuwa kalana la xiray, iyadoo dowlada Kenyana ay xaaraantinimeysay Ururkaas.

Ugu dambeyn, Golaha Jamhuuriga Mombasa ee MRC ayaa taageerayaashiisu waxey ku sheegeen inuu yahay Dhaq-dhaqaaq Siyaasaded oo u ololeynaayo xorrnimo doonka dadka ku dhaqan xeebaha Bad-weynta Hindiya oo u badan kuwa Muslimiin ah.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya