4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 16, 2015
Isbitaalka Al-Nuur oo si lacag la'aan Indhaha ugu fiiqaya boqolaal dan-yar ah


Isniin, Feberaayo 16, 2015 (HOL) — Xarunta Isbitaalka Indhaha Al-Nuur ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalintii labaad ka socda howlo isugu jira, baaritaano, daweyn iyo indho-fiiqid bilaash ah oo loo sameynayo kumanaan qof oo danyar ah.

Agaasimaha Isbitaalka Indhaha Al-Nuur, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay in dadka ka faa’iideystay mashruucan samafalka ah ay ka gobollada dalka qaarkood iyo xeryaha barakacayaasha ka kala yimaadeen aysana jirin wax lacag ah oo laga qaaday indho-fiiqistooda.

“Sida aad arkeysaanba waxaa Isbitaalka Indhaha Al-Nuur ka socda howlo isugu jira, baaritaan, daweyn iyo indho fiiqis samafal ah oo soo socday illaa bishii hore, maalintii labaadna lagu guda jiro howshii qalliinka,” ayuu yiri agaasimaha isbitaalka Al-Nuur.

Dr. Dalmar ayaa intaa raaciyay in hirgelinta mashruucan samafalka ah ay iska kaashadeen hay’adda Al-Basar Foundation ee dalka Sacuudiga oo ay ka socdaan dhaqaatiir ajnabi ah iyo isbitaalka Indhaha Al-Nuur, waxaana gacan ka geystay ayuu yiri wakaallada muslimiinta Afrika (African Muslim Agency).

“Mashruucan waxaa ka faa’iideystay dad gaaraya 6,420-qof oo loo sameeyay baaritaan iyo daweyn lacag la’aan ah; waxaana qalliin dhinaca Indhaha uu u soo baxay 530-qof, kuwaasoo qaybtoodii ugu horreysay oo ka kooban 91-qof shalay loo sameeyey qaliin, waxaa dhiman 420-qof oo maalmaha nagu soo fool-leh indhaha loo fiiqi doono,” ayuu intaa ku daray Dr. Dalmar.

Agaasimaha Isbitaalka Al-Nuur ayaa xusay in mashruucan samafalka ah uusan ahayn kii ugu horreeyay ee ay Muqdisho ka sameeyaan, wuxuuna tilmaamay in toddobaadka soo socda isaga iyo kooxda la socota ay ku wajahan yihiin degaanno ka tirsan gobollada dhexe ee Somalia si ay u gaarsiiyaan mashruucan samafalka ah.

Dr. Faqrudiin oo hoggaaminayay dhakhaatiirta ka socotay hay’adda Al-basar ee dalka Sacuudiga oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Somalia ay ka mid tahay dalalka ugu badan caalamka ee indha la’aantu ay ka jirto sidaas awgeedna ay u doorteen inay ka qayb-qaataan fulinta mashaariicda noocan ah ee laga sameynayo.

Qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah iyo kuwa dan-yarta ah ee sida bilaashka ah uga faa’iideystay mashruucan samafalka ah ayaa sheegay in loo sameeyey daweyn iyo qaliimo ay u baahnaayeen indhahooda, aysana jirin wax qarash ah oo laga qaaday, iyagoo u mahad-celiyay maamulka isbitaalka indhaha Al-Nuur iyo hay’adihii kale ee gacanta ka geystay fulinta mashuurcan.

Mashquul fara badan ayaa maalmahan laga dareemayey Isbitaalka Indhaha Al-Nuur, iyadoo ay soo buuxiyeen dad u badan kuwo da’ ah oo isugu jiray rag iyo haween; kuwaasoo loo sameynayey qalliimo bilaash ah, iyadoo shaqaalaha isbitaalkana ay wadeen howlo ay ku baxnaaninayaan dadka loo qalo indhaha, kuna diyaarinayaan bukaanada qaliinka loo wado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya