4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 16, 2015
Diyaarado Maanta Duqeymo ka geystay Deegaan ka tirsan Shabeellada Hoose


Isniin, Feberaayo 16, 2015 (HOL) — Diyaarado dagaal ayaa maanta duqeyn ka geystay deegaanka Jilib-marko oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

Goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in diyaaradahan ay beegsadeen laba xarumood oo mid ay tahay saldhig ay Al-shabaab ku leedahay deegaankaas iyo kootaroolka deegaankaas laga galo oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsn.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dashay duqeyntan dhacday barqonimadii maanta ayaa haddana waxaa ka hadlay guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur oo sheegay in lagu dilay duqeyntan 20-dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

"Wararka aan helayno waxay sheegayaan in diyaarado shisheeye ay duqeymo ka geysteen maanta barqadii saldhigyo ay Al-shabaab ku leedahay gobolka, waxaana lagu dilay 20 ka mid ah xoogagga Al-shabaab oo goobahaas ku sugnaa, waxaana sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo doomo ay isticmaali jirtay Al-shabaab," ayuu yiri C/qaadir Siidii.

Sidoo kale, C/qaadir Siidii ayaa ka gaabsaday inuu sheego waddanka iska leh diyaaradaha ka geystay duqeynta gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan deegaanka Jilib-Marko oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

Mareykanka ayaa sannadkan dhowr jeer duqeymo diyaaradeed ka geystay deegaanno ku yaalla gobollada Koonfurta Soomaaliya oo ay weli awood badan ku leedahay Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo ay ku dileen saraakiil Al-shabaab ka tirsan.

Dhammaadkii sannadkii hore ayay ahayd markii diyaarado dagaal oo Drones ah ay duqeyn ku dileen hoggaamiyihii hore ee Xarakada Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane iyo laba ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha xoogagga Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa weli ka hadlin duqeynta maanta ay diyaaradahu Jilib-Marko ka geysteen, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo deegaankan ay u geystaan duqeyn diyaarado dagaal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya