4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 16, 2015
Nabad-doonno Sharci-darro ku Tilmaamay Canshuuro lagu soo Rogay Jowhar


Isniin, Feberaayo 16, 2015 (HOL) — Iyadoo maamulka degmada Jowhar uu kusoo rogay guryaha ku yaalla degmadaas canshuuro, ayaa waxaa arrintan ka hadlay waxgaradka degmadaas, iyagoo ku tilmaamay sharci-darro in lagu soo rogo dadka degmadaas oo aan dhaqaale buuran haysan canshuuro fara badan.

Muuse Shiikh Cusmaan oo ka mid ah waxgaradka degmada ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegay inay cabasho ka muujinayaan canshuurta lagu soo rogay guryaha, isagoo ugu baaqay dowladda federaalka Somalia in arrintan si deg-deg ah u soo fara-geliso.

Sidoo kale, nabaddoonka ayaa sheegay wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye ee Muqdisho wuxuu ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay inay dib ugu laabtaan degmada hab-dhaqanadii hoggaamiye kooxeedyadii horay uga talin jiray degmadaas iyo deegannada kale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

"Dhibaato badan ayaa jirta, innaga waxaa is lahayn maamul dowli ah ayaa u gudubteen, dowladda Somalia ayaa maamul noosoo magacawday, waxaana nagu soo rogeen maamul-kaas canshuur bile ah oo guryaha laga qaadayo, mana arag innagu guri la canshuuro, balse waxaa arki jirnay shati guryaha loo sameeyo, waxayna dib ugu laaban jirtay shacabka, waayo waxbarasho lacag la'aan ah iyo caafimaad lacag la'aan ah ayaa la heli jiray, taasna hadda nooma muuqato," ayuu yiri nabaddoon Muuse Sheekh.

Nabaddoonka oo sii hadlayay ayaa sheegay in xilligii dowladdii Siyaad Barre ay jirtay guryaha laga qaadi jiray canshuur kooban, taasna ay dib bulshada ugu laaban jirtay, isaguna uu illaa dugsiga sare lacag la’aan ku bartay, hase yeeshee caruurtooda ay haatan waxbarashadooda tahay mid lacag ah.

"Warqad kasoo baxday wasaaradda maaliyada oo ay dowladda dhexe ku sheegayso inay og-tahay ma ahan canshuurtan, waxaa nasiib-daro ah inay qoysas ku nool wax ka yar hal doolar maalintii oo dhan la saaro canshuuro fara badan, waliba loogu darro haddii aad bixin waydo ganaax iyo xarig, waana taas midda aan ka cabanayno,” ayuu hadalkiisa ku daray nabaoonka.

Ugu dambeyn, nabaddoonku wuxuu xusay inaanay xilligan jirin baahi ku aaddan xagga ciidamada, maadaama ay mushaar iyo gunno qaataan, isla markaana aan canshuuraha la qaadayo xilligan taas qiil loogu sameyn karin sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahatee, shacabka degmada Jowhar ayaa canshuuro lagu soo rogay dhawan, taasoo ay cabasho ballaaran ka muujiyeen, iyagoo xusay in aysan jirin maanta guryo canshuur laga qaado dalka, balse canshuurtan ay tahay mid gooni u ah degmada Jowhar.

Dowladda federaalka Somalia, maamulka gobolka Shabeellada Dhexe iyo kan maamulka degmada Jowhar weli kama hadlin cabshada kasoo yeeraysa shacabka ku nool degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya