4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 16, 2015
Mas’uuliyiinta Jubba oo Shaaciyay in dhawaan lasoo dhisi doono Baarlamaan


Isniin, Feberaayo 16, 2015 (HOL) — Maamulka KMG-ka ah ee Jubba ayaa shaaciyay inay meel gabo-gabo ah u marayso soo xulida xildhibaannada ka mid noqonaya baarlamaanka maamulkaas; isla markaana degmooyinka uu ka kooban yahay maamulkaas laga soo xuli doono xubnaha.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka maamulka KMG ah ee Jubba, C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa waxay joogaan degmada Doolow ee gobolka Gedo, isagoo halkaas u tagay sidii loo soo xuli lahaa xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka maamulkaas.

Afhayeenka maamulka Jubba, C/Naasir Seeraar Maax oo warbaahinta hadal siiyay ayaa sheegay inay meel wanaagsan mareyso soo xulista xubnaha ka mid noqonaya baarlamaan-ka, ayna bishaan dhamaadkeeda soo dhisayaan gole baarlamaan oo dhameystiran.

“Howsha soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Jubba meel wanaagsan ayay maraysaa… waxaana rajeynayaa in si rasmi ah loosoo dhameystiro dhammaadka bishan Feberaayo,” ayuu yiri Seeraar.

Maamulka Jubba ayaa muddooyinkan ku howlanaa inuu yeesho maamulku yeesho baar-lamaan, iyadoona ay jireen warar soo baxaya oo sheegaya inuu khilaaf ka taagan yahay qaabka loosoo xulayo baarlamaanka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa ka sheegay dhawaan Muqdisho inay dhawaan soo xulayaan xubnaha uu ka koobnaan doono baar-lamaankooda, kuwaasoo uu sheegay inay ka imaan doonaan deegaannada uu maamul-koodu ka kooban yahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya