4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 16, 2015
Ciidanka Badda Talyaaniga oo Xeebaha Dalkaas ku Badbaadiyay Tahriibayaal


Isniin, Feberaayo 16, 2015 (HOL) — Ciidamada Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa badbaadiyay 2,000 oo muhaajiriin ah, kuwaasoo saarnaa doomo dul-sabbeynayay 12 doon yar-yar oo ay kasoo raaceen dalka Liibiya si ay Yurub ugu gaaraan, kaddib markii xeebaha Mediterranean-ka ay ku dhinteen 300 oo tahriibe toddobaad ka hor.

Howlgalkan badbaadinta ah ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa oo ay ciidanka badda ee Talyaanigu sameeyaan abid waxaa ka qayb-qaatay diyaarado, maraakiib iyo doomaha dheereeya, iyadoo muhaajiriinta ay dalbadeen in la bad-baadiyo.

Muhaajiriintan ayaa ku safrayay doomo qaarkood ay ahaayeen kuwo aaryo laga buuxiyay, waxaana laga badbaadiyay masaafo 80-km u jirta xeebaha waqooyi ee dalka Talyaaniga.

Saxaafadda Talyaaniga ayaa baahisay in dadka tahriibka ah loo kaxeeyay xerooyin ku yaala Talyaaniga, waxayna sheegeen in muhaajiriintan intooda badan ay ahaayeen haween iyo  carruur.

Tahriibayaasha ku qulqulaya dalka Talyaaniga ayaa labadii sano ee aynu ka soo gudbnay waxay ahaayeen kuwo sii xoogeysanaya, iyadoo UNHCR ay ka dhawaajisay in sannadkii lasoo  dhaafay oo keliya ay ku dhinteen xeebaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Liibiya 3,000 oo ruux oo tahriibayaal ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya