4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 15, 2015
Prof. Jawaari oo sheegay inaysan xiliga kororsan karin Dowladda hadda jirta


Axad, Feberaayo 15, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa sheegay inaysan jiri doonin wax xilli kororsi ah oo ay sameynayso dowladda Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2016-ka.

Prof. Jawaari ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Muqdisho Sabtidii shalay in xilliga u harsan dowladda uu kooban yahay uuna ku eg-yahah 2016-ka, isagoo ugu baaqay xukuumadda cusub inay dar-dar-geliso howlaha horyaalla.

“Xilli howleedkeennu wuxuu ku eg-yahay dhammaadka sannadka 2016-ka, waxaana naga xiga sannadkan iyo dhowr bilood, waxaana la socda in lagu diyaariyo muddadaas doorasho xor ah oo dalka ka dhacda. Mana jiro wax muddo kororsi ah,” ayuu yiri Jawaari.

Afhayeenka baarlamaanka Somalia ahna ku-simaha madaxweynaha ayaa intaas ku daray inay muhiim tahay in la diyaaro xilliga noo haray guddigii ka shaqeyn lahaa doorshada, sidoo kalena loo baahan yahay dhameystir lagu sameeyo dastuurka dalka si loogu qaado afti-dadweyne.

Talaadadii lasoo dhaafay ayay xildhibaannada baarlmaaanka Somalia waxay ansixiyeen hindise-sharciyeedka guddiga madaxa-bannaan ee doorashada ay ku howlgeli lahaayeen.

Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sannadka 2016-ka ayaa lagu wadaa inay noqoto doorashadii ugu horreysay oo dalka ka dhacda ilaa markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay uga dhawaajiyay in dalka ay doorasho ka dhici doono sannadka 2016-ka, xiligaas oo uu dhammaanayo xilli-howleedka dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya