4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 15, 2015
Madaxweyne Siilaanyo oo ka Qaybgalay xaflad ay ardayi ku Qalin-jabinaysay


Axad, Feberaayo 15, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Max'ed Silaanyo, ayaa maanta ka qaybgallay Dufcaddii labaad ee Qalinjabinaysay Jaamacadda Tima-cadde University ee magaaladda Gabiley.

Madaxweynaha ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaaladda Gabiley ee galbeedka magaaladda Hargeysa, waxaanu dadweynihii soo dhoweeyey uga mahad naqay soo dhoweyntoodda.

Munaasibad si balaadhan loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta jaamacada Gabiley, waxaana ka soo qaybgalay ardaydii qalinjabinaysay, waalidiintooddi, wasiiro iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa hambalyeeyay ardayda waxbarashadoodii ka dhameystay jaamacadda, waxaanu ilahay u baryey inay shaqooyin ku heli doonaan aqoontaasi ay barteen, waxaanu madaxweynuhu ardaydaas guddoonsiiyay shahaadooyinkooddii.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu shahaado sharaf gudoonsiiyay guddoomiyaha jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Cabdi Guuleed oo ay jaamacada Timacade u aqoonsatay Aabaha jaamacada Somaliland.

Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu xadhiga ka jaray  dhismeyaal iyo wadooyin kala duwan oo ay ugu horeeyeen Dhismaha Hool weyn oo jaamacada Timcade yeelan doonto oo ay maantaba ku qabsatay Xaflada qalinjebinta Jaamacada, furitaanka Cusbitalka Dhimirka oo laga hirgeliyey Gabiley, waxa kale oo uu madaxweynuhu furay dhismeyaal lagu kordhiyey cusbitalka TB ee Gabiley, isaga oo ku guda jira mashaariicda gabolka ka hirgalayna waxa uu xadhiga ka jaray iyana waddo isku xidhi doonta magaalada iyo xabaalaha.

Madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigay wado casri ah oo loo qorsheeyey inay isku xidho gudaha magaalada Gabiley, iyo Waddo kale oo laba Haad ah oo dhowaan laga hirgalin doono magaaladda.

Intaasi ka dib waxa weftiga madaxweynuhu u soo amba-baxeen dhinaca magaaladda Beeralayda ee Arabsiyo  halkaasi oo qaddo loogu sameeyey Beer weyn oo ku taalla duleedka magaaladda Arabsiyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland