4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 15, 2015
SAUDI ARABIA: Ururka Akhwaanul Muslimiin uma Aqoonsanayno Argagaxiso


Axad, Feberaayo 15, 2015 (HOL) — Xubin horay uga mid ahaa baarlamaanka dalka Saudi Arabia, Axmed Al-Tuwayji ayaa beeniyay in xukuumadda Riyaadh ay u aqoonsatay ururka Akhwaanul Muslimiin.

Al-Tuwayji ayaa sheegay in warbixin ay horay uga soo saartay boqortooyadu Akhwaanul Muslimiin si khalad ah loo turjumay, isgaoo xusay inaysan u aqoonsanayn ururkan sidii koox argagaxiso ah, wuxuuna xusay inaysan ku lug lahayn kooxdan weerarro argagaxiso iyo qaraxyo wax lagu burburinayo.

Isagoo u warramayay telefishin lagu magacaabo, Rotana Khalijia ayaa inay ururkan ka tirsan yihiin rag iyo dumar, aysanna u aqoonsan karin sidii urur argagaxiso ah. Iyadoo ururkan ay argagaxiso u aqoonsadeen dalal badan oo carbeed.

Sidoo kale, mas’uulkan ayaa sheegay in ururkan uu yahay mid doonayo inuu fikradihiisa ku gudbiyo si nabad ah, ayna yihiin kuwo doonaya inay Islaamka u baahiya si nabad ah oo aanay carqaladi ku jirin.

“Ururka Akhwaanul Muslimiin wax dhibaato ah kuma hayaan boqortooyada,” ayuu yiri mas’uulka, isagoo intaas ku daray in dalal ka mid ah kuwa Carabta ay u adeegsadaan siyaasad aragtida ay ka qabaan Akhwaanul Mulsimiin, wuxuuna dalalkaas ka xusay Turkiga, Tuuniisiya iyo Kuwait.

Dhanka kale, Axmed Al-Tuwayji wuxuu xusay in xiriirka u dhexeya boqortooyada Saudi Arabia iyo ururka Akhwaanul Muslimiin uu yahay mid taariikhi ah oo aad u wanaagsan. Isagoo xusay inay la shaqeyn doonaana ururkan.

Ugu dmbeyn mas’uulkan oo horay u ahaa madaxa guud maxkamadda ee boqortooyada Saudi Arabia ayaa xusay inay si weyn u soo dhaweynayaan ururka Akhwaanul Muslimiin ee boqortooyada ku nool.

Si kastaba ha ahaatee, ururka Akhwaanul Muslimiin oo ka mid ah ururrada islaamiga ah ee ka jira caalamka ayaa waxaa horay liiska argagaxisada ugu daray dalal ay ka mid tahay Masar oo ay xaruntooda ugu weyn ku taallo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya