4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 15, 2015
Axsaabta Mucaaradka Somaliland oo eedeyn adag u jeediyay Xukuumadda SL

Axad, Feberaayo 15, 2015 (HOL) — Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in aan shirkad gaar ah lagu wareejink arin dekadda Berbera oo uu xusay in 80% dhaqaalaha dalku ka soo gallo dekadaasi.

Musharxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in aan si dhibyar la iskaga wareejin Karin dekadda, isagoo xusay in hadaladda soo baxayaa tilmamayaan in shirkaddo ajanabi ah ay xukuumaddu damacsan tahay in ay ku wareejiso.

“Waxaa baryahan laga hadlay in dekedda Berbera la wareejiyey, dhaqaalaha dalkeenu 80% waxa  uu ku xidhan yahay dekedda Berbera… sidaa darteed nolosheenii waxay ku xidhan tahay dekada Berbera, dekada Berberi waa dekad muhiim ah oo waa laf dhabarta dhaqaalaha dalka, waxa laga yeelayaana  waa inaanay noqon  wixii laga yeeli jiray guri yar oo qof la siiyey ama dhul la iibiyey,  waxa dhamaaday oo ay dawladii wareejisay dhulkii iyo  guryihii laysku hibaynayey  waanan kaga daba tagi doonaa, ma waxa la arkay dawlad tidhi warshadii laydhka ayaanu maamuli kari waynay oo dad ayaanu siinay, dad layskama siiyo warshado, warshaduna waa hantidii umada oo dadka ayaa iska leh, haddii la wareejinayana waxa lagu wareejiyaa nidaam la og yahay laakiin lacag ayaa soo gashay, lacagtii lagu iibiyeyna wali laynooma sheegin oo cid ayaa la doonayaa in xisaabaad loogu shubo, dawladu haddii ay tidhaa laydhkii Berbera iyo kii Hargeysa ayaanu maamuli kari waynay ileen barigii Daahir Rayaale-ba way shaqayn jireene sababtu maxay tahay.” Ayuu yidhi musharax Jamaal Cali Xuseen.

Waxaanu intaas ku daray “Hadaba dekada Berbera  arinkeedu arin ciyaar ciyaar ah maaha, dawladana waxaan leeyahay waar yeydaan dab faraha la galin, arinkii hore ee guryaha ayaa la ogaa ee la bixinayey, dekada Somaliland oo dhan ayaa eeganaysa meel cid gaar ah leedahayna maaha, hadii ay imanayaan shirkado maal gelinaya oo dakada dhisaya waanu soo dhawaynaynaa laakiin in cid lagu wareejiyo oo intay dawladu lacag ka qaadato kildhi madaxa inoo galiso oo hadhawna umadu isla bas beesho  taas ogolaan mayno.”

Haseyeeshee, wasiirka Madaxtooyada Somaliland  Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa beeniyey inay dekadda ku wareejiyeen shirkaddo Ajanabi ah, balse wuxuu xusay inay jiraan shirkaddo badan oo la soo xidhiidhay oo doonay inay maalgashi ku sameeyaan Dekadda Berbera.

Wasiir Xirsi ayaa sheegay in aan si dhibyar shirkaddo kale lagu wareejin Karin, balse qiimeyn iyo u fiirsasho badan lagu samayn doonno. isagoo yiri. “Waxaa jirta Guddi Madaxweynuhu u saaray oo Wasiiro ah oo aan ku jiro oo Wasiirka Khaarajigu ku jiro oo Wasiirka Qorshayntu ku jiro, oo Eegaya, darsayana Shirkaddaha Noocaas ah, waxaana laga yaabaa in marka Shirkaddaha warkoodu soo ururo in Qandaraas lagu bixiyo oo la baahiyo. Waxay ila tahay Berbera wax go lagu qaado ka wayne,Bebrera wax ciyaar-ciyaar lagu wareejiyo ka wayn oo waa Marsadii Qaranku lahaa, markaa waa laga yaabaa in dad aan waxba hubsan oo mucaarad iyo muxaafad midkuu doono ha ahaadee oo aan wax na waydiini inay meelahaas ka hadlaan”

Wasiirku waxa uu sheegay inay ilaa haatan Afar Shirkaddood danaynayaan Hawlaha Berbera “Shirkad Caan ah oo Dubai leedahay Dannaynteeda ayay muujisay oo waxay leedahay waanu doonaynaa,Bolore(Shirkad Faransiis ah) waa shirkad caan ah, iyaguna danayntooda ayay muujiyeen, Shirkad kale oo African ah oo Sucuudiga joogta iyaguna danayntooda ayay muujiyeen oo way doonayaan, Shirkad kale oo Kuwait leedahayna way doonaysaa Dekedda Berbera,Annaguna waxaas oo dhan waanu tartan siinaynaa waxaanu eegaynaa wixii Danta Qaranka loo arko”.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah wasiirada ayaa lagu eedeeyey inay la kala safan yihiin shirkadaha, isla markaana wasiir kasta shirkad danaynayo, haseyeeshee wasiir Xirsi ayaa sheegay in wasiiraddu isku dhinac u jeedaan oo aanay soo kala dhoweysanayn shirkadahan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland