4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 15, 2015
Xil wareejin ka dhacday wasaaradda Cadaaladda & A. Dastuurka (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 15, 2015 (HOL) — Xaflad ay xilalka kula kala wareegeen wasiirkii hore ee cadaaladda iyo dastuurka Soomaaliya iyo wasiirrada cusub ayaa maanta ka dhacday xarunta wasaaradda cadaaladda iyo dastuurka ee Muqdisho.

Maanta ayaa waxaa xilka ula wareegay wasiirka cusub ee caddaaladda, Jen. C/llahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) iyo wasiirka arrimaha dasuurka, Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, iyadoo labada wasiir shaqada kala wareegeen  xildhibaan Faarax Sh. C/qaadir oo xilalkan horay isugu hayay.

Xafladda oo ahayd mid si wanaagasan loosoo diyaariyay waxaa goob-joog ka ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda fadaraalka Soomaaliya, ahna sii-hayaha jagada ah, Maxamed Cumar Carte iyo xeer-ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, wasiirro ku xigeenno, wasiir-u-dawlayaal, danjirayaal. shaqaalaha labada wasaradood, bahda saxaafadda iyo marti sharaf kale.

Labada wasiir waxay ka guddoomeen Faarax Sh. C/qaadir wax-qabadkii iyo horumarkii ay wasaaraddu sameysay muddadii uu xildhibaanku xilka hayay, wax-qabadkaas oo lagu soo bandhigay muuqaal iyo qoraallo badan, labada wasiir ee cusub iyo wasiirkii hore waxay kala saxiixdeen warqadihii ay kula kala wareegeen shaqada Qaranka.

Xildhibaan Faarax Sh. C/qaadir ayaa hadal uu jeediyay qiimaha iyo qaayaha ay leedahay, wuxuuna u mahad-celiyay shaqaalaha labada wasaaradood, isagoo ku amaanay sida xil-kasnimad leh ee ay u guteen wajibka ka saaran shaqada wasaaradda.

Sidoo kale, wasiirkii hore ee wasaaradda ayaa si kooban u soo bandhigay wax-qabdkii wasaaradda sannadkii lasoo dhaafay, gaar ahaan meel-marinta xeerka golaha garsoorka Qaranka, dhisidda guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista dastuurka Qaranka, howl-galinta shaqaale tayo iyo aqoonba u leh howlaha wasaaradda, bilicda xarunta wasaaradda oo is-bedel lagu sameeyay inta uu shaqada hayahay sannadkii lasoo dhaafay, tababaridda shaqalaha, qalabaynta xafiisayada wasaaradda, dayactirka xarunta wasaaradda, dadka oo laga qayb-galiyay hirgalinta laamaha garsoorka dalka, iyo waxqabadka wasaaradda oo mar kasta laga soo bandhigayay warbaahinta qaybaheeda kala duwan.

Faarax Sheekh C/qaadir wuxuu u mahad-celiyay ballaadhan u diray Beesha Caalamka oo uu sheegay inay gacan ka siiyeen ka qayb-qaateen dib-u-dhiska laamaha cadaaladda, gaar ahaa Mareykanka, Britain, Midowga Yurub, Turkiga, Sweden, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dawlado kale.

Wasiirka xilka wareejiyay wuxuu xusay in hirgalinta Caddaaladda dalka ay mas’uuliyad ka saaran tahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku boorriyay qaybaha bulshada inay ka qayb-qaattaan hir-galinta Cadaalad waarta una horseeda Nabadgalyo Barwaaqo iyo Sinnaan.

Mudane Faarax sheekh ayaa tibaaxay qorshaha higsiga cusub iyo dawrka ay wasaaraddu ku lahayd, wuxuuna u rajeeyay labada wasiir ee cusub in ay hawsha halkaas kasii wadaan.

Dhanka kale, waxaa xafladda isna ka hadlay wasiirka cusub ee wasaaradda Cadaaladda Jen. Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) oo wasiirkii hore iyo shaqaalaha wasaaradda howlihii ay qabteen muddadii ay shaqeynayeen, wuxuuna ballan-qaaday inuu howsha meeshaas kasii wadi doono, kana faa’iideysan doono khibradda baaxadda wayn ee uu wasaaradda ugu yimid.

Wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen oo isna hadal jeediyay ayaa sheegay inuu mahad celiyaya wasiirkii hore ee wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Faarax Sheekh oo uu sheegay inuu howl weyn qabtay, isagoo ballanqaaday in tix-galinta 1-aad uu siinayo Arrimaha Dastuurka dalka lana shaqayn doono guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo qoridda dastuurka, isagoo farta ku fiiqay inuu dastuurku noqo doono mid ka turjuma dhammaan ummdda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda soo xiray RW ku-xixeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte oo u mahad celiyay wasiirkii hore ee wasaaradda Faarax Sh. C/qaadir wuxuuna ku tilmaamyay shaqada uu wasaaradda ka qabtay intuu joogay tusaale wanaagsan inay u tahay wasaaradaha kale ee Qaranka.

Gaba-gabadii wuxuu soo jeediyay in dastuurkan la dhaystirayo sannadka iyo laamaha gar-soorka inay isla jaan-qaadaan sababtoo ah sida uu yiri Maxmed Cumar Carte - Dastuurka ayaa sal u ah laamaha garsoorka iyo xeerarka ka jira dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya