4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 15, 2015
Khaatumo oo Guulo ka sheegatay Dagaal ay la gashay Ciidamada Somaliland

Axad, Feberaayo 15, 2015 (HOL) — Dagaallo u dhexeeya maamulka Somaliland iyo kan Khaatumo oo maalinimadii shalay ahayd dib uga cusboonaday deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool oo horay dagaallo ay uga dhaceen, ayaa waxaa guulo ka sheegtay maamulka Khaatumo.

Dagaalkan  oo khasaarihiisa aan la hubin ayaa ka dhacay deegaano hoos yimaada gobolka Sool ,kuna dhow deegaanka Saaxdheer oo xarun u ah maamulka Khaatumo sida laga soo xigtay dad goob-joogayaal ah.

Xildhibaan Faarax Cali Garoon  oo kamid ah xildhibaanada Khaatumo ayaa sheegay inay ciidamadooda iska caabiyeen dagaal socday muddo saacado oo ay Saaxdheer kula galeen   ciidamada maamulka Somaliland.

“Walaal waxaan xaqiijin karnaa in ciidamada Somaliland ay dib uga laabteen deeganadii ay shalay ku soo duuleen ,waayo diyaar ayaan u nahay inaan difaacno dhulkan “ ayuu yiri xildhibaanka oo la hadlay warbaahinta.

“Wali waxaa jira goobo ku dhow Saax-dheer oo labada ciidan isku hor-fadhiyaan ,waxa ay  ka soo horjeedaan jiritaanka maamulkan oo ka madax banaan maamulada kale “ ayuu mar kale yiri xildhibaan Faarax Cali.

Ugu dambeyn, maamulka Somaliland ayaan wali si rasmi ah uga hadlin arintan ,waxaana sii kordhaysa xiisadda u dhaxeysay ciidamada Khaatumo iyo maamulka Somaliland,iyadoo masuulkan la hadlay warbaahinta uu sheegay in dad badan ay ka barakaceen colaadahan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]