4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 15, 2015
Abuukar Cawaale (Qaad-diid) oo si weyn lagu soo dhaweeyay PL (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 15, 2015 (HOL) — Abuukar Cawaale oo lagu xusuusto sidii ula dagaal-lamay qaadka la geyn jiray waddanka Britain oo ugu dambeyn lagu guuleystay in la joojiyo ayaa gaaray Puntland, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Abuukar Cawaale ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay dadweyne aad u fara badan oo watay sawirkiisa iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Mar uu la hadlayay warbaahinta Abuukar oo loo yaqaan (Qaad-diid) sheegay inusan ahayn socdaalka uu ku yimid Somalia mid uu ku doonayo inuu ku joojiyo Qaadka, balse uu yahay mid uu ku doonayo inuu wadatashiyo la yeesho dadka qaadka cuna iyo kuwa ka ganacsada.

Sidoo kale, wuxuu sehegay inuu la kulmi doono maamullada Soomaaliya ka jira, balse ma sheegin wuxuu doonayo inuu kala hadlo, wuxuuna si weyn uga mahadceliyay sidii loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha xarunta Puntland ee Garoowe.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan Somalia imaado muddo fog kaddib, waxaan kaloo rabaa inaan sheego in Soomaaliya ay hadda marayso sidii ay shacabkeedu uga tashan lahaayeen mustaqbalkooda iyo kan carruurtooda,” ayuu Abuukar Cawaale ku yiri hadal uu jeediyay soo dagistiisa kaddib.

Ugu dambeyn, Cawaale oo soo maray xarunta Somaliland ee Hargeysa ayaa intii uu halkaa ku sugnaa loo geystay xarig, iyadoo su’aalo laga weydiiyay wareysi uu bixiyay, sida uu u sheegay warbaahinta.

Si kastaba ha ahaatee, Cawaale oo ka mid ahaa ragga jaadka cuna ayaa ugu dambeyn iska daayay markii uu sheegay dhibaatada uu ku hayo Soomaalida, isgaoo markaas kaddibna dhexda u xirtay sidii jaadka looga joojin lahaa Britain oo ay Soomaali badan degen tahay, isagoo oloihiisaas ku guuleystay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya