4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 15, 2015
AMISOM oo Qalab siisay Booliska Baydhabo iyo Sidikou oo booqday Kismaayo


Axad, Feberaayo 15, 2015 (HOL) — Taliska booliiska AMISOM ayaa qalab ku wareejiyay ciidamada booliiska degmada Baydhabo ee gobolka Bay, si howlaha lagu sugayo amaanka ay u joojiyaan, sidoo kalena wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Maman S. Sidikou ayaa booqasho ku tagay Kismaayo.

Mijir, Ciise Cali oo ah taliyaha CID-da degmada Baydhabo oo qalabkan lagu wareejiyay ayaa sheegay inuu wax badan ka tari doono howlahooda, gaar ahaan qaybta baarista dam-biyada dhaca.

Xafladda wareejinta qalabkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka mid ah booliiska gobolka Bay oo ay ka mid ahaayeen; Mijir Mukhtaar Ibraahim iyo ku xigeenkiisa Cali Salaad.

“Waxaan uga mahadcelinaynaa booliiska AMISOM qalabka ay maanta nagu wareejiyeen oo ay ka mid yihiin kaamirooyin, kuwaasoo aan u adeegsanayno baarista dambiyada,” ayuu yiri Mijir Cali.

Sidoo kale, qaybta booliiska AMISOM ayaa ballanqaaday inay taageeradooda sii wadi doonaan, si ay booliiska Somalia awood ugu yeeshaan sidii baaris ay ugu sameyn lahaayeen dambiyada dhaca.

Taliyaha booliiska AMISOM, Col. Theresa Awelo oo isna xafladda ka hadlay ayaa ku boorriyay qaybta baarista booliiska Baydhabo inay diiradda saaraan sidii ay baaris dhameystiran ugu sameyn lahaayeen dambiyada dhaca, taas oo uu ku sheegay inay tahay mid sababaysa in shacabku ay kalsooni weyn muujiyaan.

Dhanka kale, danjire Maman S. Sidikou ayaa booqday Jimcihii lasoo dhaafay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, isagoo kulammo kala duwan kula yeeshay ciidamada AMISOM ee ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo mas’uuliyiinta maamulka Jubba.

Qaybta booliiska ee Jubbooyinka ayaa waxaa ka howlgala ciidamo ka socda Kenya iyo kuwo ka socda dalka Uganda, iyadoo intii booqashadan uu ku jiray danjiraha Midowga Afirka ee Somalia uu kala dooday saraakiisha ciidamadan hoggaaminaya arrimo oo ay ka mid yihiin ammaanka iyo sidii loo xoojin lahaa howlgallada looga soo horjeedo Al-shabaab.

Danjire Sadikou ayaa dhanka kale kulmay mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba oo uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa ammaanka, loona horumarin lahaa adeegga bulshada, dhaqaalaha iyo hagaajinta siyaasadda Jubbooyinka.

Ugu dambeyn, ergayga iyo wafdigiisa ayaa booqday goobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dekedda magaalada Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha, isagoo hadal u jeediyay askarta AMISOM ee goobahaas joogay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya