4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 15, 2015
Haweenka ka ganacsada Jaadka iyo Ragga cuna oo ka hadlay Hakinta Qaadka


Axad, Feberaayo 15, 2015 (HOL) — Iyadoo maanta uusan Soomaaliya imaan Jaadkii laga keeni jiray dalka Kenya, ayaa waxaa aragtiyadooda ka dhiibtay haweenka ka ganacsada Qaadka oo ay noloshoodu ku tiirsan tahay iyo ragga sida joogtada ah u cuna.

Haweeney ka mid ah kuwa ka ganacsada Jaadka oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegtay in jaadka joojintiisa ay sabab u tahay isagoo qaali ku yimaada iyo isagoo aan fool-xumo awgiis aanay dadku iibsanayn.

“Maama sababta Jaadka loo joojiyay waa isagoo fool xun iyo isagoo qaalli ku yimaada dalka… marka waan soo dhaweynayaa in la joojiyo, waayo xal ayaa la gaari karaa mar haddii fikirka la qabo dibadda loosoo saaro,“ ayay tiri mid ka mid ah haweenka Jaadka ka ganacsada.

Sidoo kale, haweeneydan ayaa sheegtay in fool-xumada jaadka iyo qiimaha uu ku yimaado ay ka mudaaharaaadeen ayna ka dalbadeen ganacsatada in aysan keenin jaad fool xun oo qaali ah, sidaas awgeedna jaadka la hakiyay muddo saddex maalmood ah; kaddibna ay filayaan in la keeno jaad kii hore ka wanaagsan kana qiimo jaban.

Nin ka mid ah ragga cuna jaadka oo isguna warbaahinta la hadlay ayaa ka dalbaday ganac-satada inay jaadka soo daayaan, wuxuuse xusay inuu isagu ogol yahay in xal laga gaaro jaadka foosha xun oo haddana qaaliga ah.

“Anigu waxaan askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka, jaadka dan weyn ayaa noogu jirta, ganacsatada dan ayaa ugu jirta. Innagu waxaan maalin walba u taagannahay inaan dalka difaacno, waxaan ku difaaci lahaynna waa jaadk… marka dowladda Kenya, tan Somalia iyo ganacsatadaha waxaan ka codsanaynaa inay jaadka noo soo daayaan,” ayuu yiri mid ka mid ah askarta dowladda oo ka mid ah dadka jaadka cuna.

Muqayil kale oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu isagu aad u jeclaan lahaa in jaadka la joojiyo, maadaama uu dhaqaal badan uga baxo, wax ay ka helaanna aysan jirin.

Ruux kale oo isagana naynaastiisa ku sheegay - I Love you Qaad – ayaa isna sheegtay in jaadka ay faa’iido weyn ugu jirto, isagoo sheegay inuu madax u yahay ciyaalka jaadka daatay urursada oo loo yaqaanno garaabiistayaasha inay doonayaan in jaadka la keeno, haddii kale ay dhici doonto in bulshada dhexdeeda ay dhibaato ka dhacdo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya