4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 15, 2015
Sarkaal ka Tirsanaa Waasaradda Qorsheynta Somalia oo Muqdisho lagu dilay

Axad, Feberaayo 15, 2015 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta xaafadda Tabakaayo Madow ee degmada Dharkeynley ku dilay mas’uul ka tirsanaa wasaaradda Qorsheynta iyo Xariirka Caalamiga ah ee dowladda F. Soomaaliya, kaasoo lagu magacaabi jiray, Yuusuf Maxamed Siyaad.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in dhallinyaro ku hubeysan bastoolado ay ka dambeeyeen dilka, kuwaasoo markii uu dilku dhacay goobta isaga cararay, iyadoo weli aanay hay’adaha amnigu ka hadlin dilka mas’uulkan.

Wasiirka Qorsheynta xukumadda Somalia, C/raxmaan Caynte oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dilkaas ay ka dambeeyeen dad uu ku sheegay inay kasoo horjeedaan nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

“Marka hore waxaan rabaa inaan ka tacsiyeeyo geerida walaalkeen Yuusuf Max'ed Siyaad; tanina waxay caddeyn u tahay inay weli jiraan dad weli dhibaatooyin wada, kuwaasoo aan doonaynayn dowladnimada,” ayuu yiri Caynte.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay inay ka go’an tahay wasaaradda inay sii waddo howlaha harsan, haddii aysan mowjado kale ka horimaan, ayna ku rajo-weyn yihiin inay dalka ku soo kordhiyaan howlo waaweyn.

Ugu dambeyn, ciidammo ka tirsan kuwa amniga dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley gaar ahaan xaafadda uu ka dhacay dilkan oo ah Tabakaayo Madow, inkastoo aysan jirin cid ay weli u soo qabteen dilkaas.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilkaan, balse Al-shabaab ayaa weli wadda ugaarsiga ay ku hayso xubnaha dowladda Soomaaliya, iyagoo Muqdisho ka geysta dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya