4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 15, 2015
Maxkamadeynta Wariyeyaashii Shabelle, SKY FM & Risaala oo Dib loo Dhigay


Axad, Feberaayo 15, 2015 (HOL) — Wariyeyaasha idaacadaha Shabelle, SKY, Risaala iyo milkiilihii idaacadda Shabelle ayaa maxkamadeyntooda dib loo dhigay illaa bisha Maarso ee soo socota, kaddib markii maanta la horkeenay maxkamadda gobolka Banaadir.

Suxufiyiinta la horkeenay maxkamadda ayaa waxay kala ahaayeen; Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud oo ah milkiilaha idaacadahan iyo Axmed Cabdi Xasan, Max'ed Bashiir Xaashi iyo Maxamuud Carab oo ka howlgala idaacadaha Shabelle iyo SKY FM iyo Ma'med Cabdi Cali oo ka  tirsan idaacadda Risaala.

Maxkamaddu markii la furay ayuu guddoomiyaha maxkamadda dalbaday in la horkeeno maxkamadda eedeymaha loo haysto wariyeyaasha, iyadoo ay xeer-ilaalintu sheegtay in lagu haysto dambiyo ay ka mid yihiin; faafin warar abuuraha xasillooni darro iyo kicin dadweyne.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Dr. Xaashi Cilmi Nuur ayaa intaas kaddib sheegay in eedeymaha wariyeyaashan loo haysto aysan ahayn kuwo sharciga waafaqsan, sidaa daraadeedna dib loo dhigay maxkamadda oo dib ay u furmi doonto billowga bisha Maarso ee soo socota.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa ka dalbaday xeer-ilaalinta inay la yimaadaan eedeymo sharciga waafaqsan, iyadoo dib u dhigidda maxkamadeyta afartan suxufi ayaa noqoaysa tii afaraad, tan iyo markii la xiray bishii Ogoosto 2014-kii.

Suxufi isaguna u shaqeynayay idaacadda Risaala, Maxamed Cabdi Cali oo la xiray 03-dii bishii Jannaayo ee sannadkan ayaa la horkeenay maxkamadda, inkastoo aan la dhageysan eeddiisii dibna loo dhigay maxkamadeyntiisa, waxaana la filayaa in wariyeyaashan mar kale dacwadooda la dhageysto bisha Maarso horraanteeda.

Dhanka kale, xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, Maxamed Ibraahim oo ka hadlay gudaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay inay daba-dheeraatay eedeynta loo haysto wariyeyaasha, muddo dheerna ku jireen xabsiga, ayna ku xanuunsan yihiin.

"Waxaan ka codsanaynaa maxkamadda sharafta leh in haddii sharcigu ogolaanayo in lagu sii dayn karo damaanad loo oglaado in la siiyo damaanad, inta laga gaarayo dhageysigooda maxkamadeed laga gaarayo," ayuu yiri xoghayaha guud eee NUSOJ Maxamed Ibraahim.

Qareenkii difaacayay warieyaashan, C/kariin Maxamed Soomaali oo go’aanka ay gaartay maxkamadda kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tani ay tahay mid sharci-darro ah, isagoo xusay in wariyeyaashan mudada ay ku jiraan xabsiga ay tahay mid aan sharciga waafaqsanayn.

“Wuxuu sharcigu dhigayaa in haddii qof la xiro dacwadiisa lagu soo diyaariyo muddo 48-saacadood ah, haddii kalena waa in lasii daayo. Marka shaciga ma garanayaan, haddii ay garanayaanna laguma dhaqmayo,” ayuu yiri Somali.

Afarta wariye ayaa laba ka mid ah waxay horay ugu jireen xabsiga halkaas oo dib loogu celiyay, halka labada kale oo damaanad dibadda ku joogayna la sii daayay si ay damaanad ugu joogaan dibadda inta laga maxkamadda lagu soo celinayo.

Si kastaba ha ahaatee, Maxamed Bashiir Xaashi, Maxamuud Carab, Axmed Cabdi Xasan iyo C/maalik Yuusuf ayaa waxaa la xiray bishii Ogoosto 2014-kii, iyadoo sidoo kalena albaabbada loo laabay labadii idaacadood ee SKY FM iyo Shabelle.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya