4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 15, 2015
Rayid lagu laayay deegaan ka tirsan gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya

Axad, Feberaayo 15, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo shacab ahaa ayaa lagu dilay deegaan u dhexeeya degmada Rabdhuurre iyo Buur-dhuxulle oo u oo ka tirsan gobolka Bakool, kaddib iska-horimaad halkaas ku dhexmaray ciidammo ka tirsan kuwa Itoobiya ee AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.

Iska-horimaadka ayaa yimid kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidamada Itoobiya oo marayay deegaankaas, taasoo keentay inuu khasaare xooggan ka dhasho.

Goobjoogayaal la hadlay HOL ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya uu kasoo gaaray khasaare weerarkaas, iyaguna ay toogasho ku dileen dad shacab ah oo deegaankaas ku noolaa.

Nabaddoonnada kala ah; Xasan Cawil Aadan iyo Maxamuud Maxamed Xasan oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa HOL u sheegay in shacabka la dilay ay ahaayeen reer guuraa, iyagoo xusay in tani ay qayb ka tahay dhibaatada ay dhinacyada diriraya ku hayaan rayidka.

Dadka ku dhintay deegaankaas ayaa waxaa magacyadooda laga xusay; Buulle Ibraahim Xuseen oo 85 jir ahaa, Mukhtar Madker (Muktar Iley), Cali Mad Warsame, Maxamed Warsame, Maxamed Nuur Mad Gabow, Aadan Sheegow, Xabiibo Macallin Mad-Mad, Fadumo Mad Xasan Macallin oo 14-jir ahayd iyo labo carruur ah.

Lama oga khasaaraha labada dhinac kala gaaray inta uu le’g yahay, iyadoo nabaddoonnadu ay ku tilmaameen dilka dadkan shacabka ah oo ay ku jiraan carruur iyo laba haween ah xaquuq, iyagoo dhinacyada ku eedeeyay inay si toos ah u beegsadaan shacabka.

Si kastaba ha ahaaatee, ma jirto illaa hadda wax war ah oo ku saabsan falka lagu dilay dadka shacabka ah oo kasoo baxay dhanka taliska AMISOM ee Koonfurta Soomaaliya iyo kan Xarakada Al-shabaab.

Hiiraan Online, Baydhabo