4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 15, 2015
Qaadkii la keeni jiray Somalia oo hakad la geliyay iyo Ganacsato ka Hadashay


Axad, Feberaayo 15, 2015 (HOL) — Ganacsatada Qaadka Soomaaliya u soo rari jiray ayaa sheegay inay hakad geliyeen ganacsigooda, iyagoo sababta ku sheegay in lacagaha can-shuuraha ah ee Somalia looga qaado ay sare loo qaaday, sidoo kalena uu jaadku qaali ka noqday Kenya.

Maalin walba ayaa waxaa Muqdisho imaan jiray in ka badan 15-diyaaradood, kuwaasoo dhammaantood uu ku raran yahay Qaadka, kaas oo qaarkiis loo rari jiray gobollada ku dhow caasimadda.

Suweys Jaamac oo ka mid ah ganacsatada Qaadka ee Soomaaliya ayaa u sheegtay BBC-da in canshuuraha looga qaado Somalia sare loo qaaday isla markaana uu Qaadku ka qaaliyoobay Kenya, iyaguna aysan awoodin inay bixiyaan lacagaha ku baxaya ka ganacsiga Qaadka.

“Hakadkan waxaa sabab u ah, lacagihii canshuuraha Somalia oo badan iyo Qaadka oo Kenya ka qaaliyoobay, marka waxaan go’aansannay inaan hakad gelinno ka ganacsiga Qaadka,” ayay tiri Suweys Jaamac.

Sidoo kale, haweeneydan ganacsatada ah ayaa sheegtay in Muqdisho ay u diri jireen maalin walba 16-diyaaradood oo qaad sida, sidoo kalena ay u diri jireen Puntland hal diyaarad oo u dhiganta lix diyaaradood oo yar-yar.

Qaadka ayaa waxaa iibiya haween fara badan oo noloshoodu ay ku tiirsan tahay, iyadoo maanta uu saameyn xooggan ku yeelan doono dadka iyaguna Qaadka cuna oo aad u soo kordhayay sannadihii dambe.

Dhanka kale, wararka laga helayo dadka ka ganacsada Qaadka ee Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in saddex illaa afar maalmood uusan qaadku imaan doonin magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya