4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 15, 2015
Xildhibaannada Beelaha Hawiye oo Go’aanno ka soo Saaray Xaaladaha Dalka

Axad, Feberaayo 15, 2015 (HOL) — Xildhibaannada Beesha Hawiye oo shirar is daba-joog ah ka yeeshay xaaladda siyaasadeed ee Somalia iyo hir-gelinta hiigsiga cusub ee 2016-ka ayaa gunaanadkii kulammadooda waxay kasoo saareen go’aanno, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray degaannadooda.

Go’aannada kasoo baxay shirarkooda waxaa ka mid ah:

1. Waxay ku baaqeen in lasoo afjaro colaadda u dhexeysa dadka walaalaha ah ee degmada Gurcieel, waxayna taageereen dadaalka waxgaradka iyo siyaasiyiinta deegaanku way wadaan; waxayna diyaar u yihiin xildhibaanada inay doorka uga aaddan ay ka qaataan dhameystirka nabad waarta oo ka dhacda gobolka Galgaduud. Waxay xildhibaanada ugu baaqayaan dowladda inay kaalinteeda ka qaadato baajinta colaadaas.

2. Waxay u mahad-celiyeen odayasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan iyo ciidamada Hiil Walaal ee Jabuuti oo ku guuleystay inay joojiyaan dagaalkii ka dhacay magaalada Baladweyne. Waxayna ku baaqayaan in xal joogto ah loo helo xiisadaha colaadeed ee gobolka Hiiraan.

3. Waxay si buuxda u taageerayaan shirka dib u heshiisiinta ee magaalada Dhuuso-mareeb, waxayna ku  ayideen shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ee Cadaado; iyadoo ugu baaqay dhammaan beelaha gobollada Mudug iyo Galgaduud inay ka qayb galaan shirkaas si loo helo maamul loo dhan yahay oo u adeega bulshada labadaas gobol.

4. Waxay ku baaqeen in lagu dhaqsado sameynta dawlad gobolleedyada gobollada Hiiraan, Shabeellada dhexe iyo Banaadir; waxayna xukuumada iyo dowladda federaalka ugu yeereen inay kaalintooda ka qaataan sidii loo dadajin lahaa sameynta dawlad -goboleedyadaas.

5. Xildhibaannada Hawiye waxay ugu baaqayaan beel-weynta Hawiye inay ilaaliyaan nabadda, lana shaqeeyaan dowladda si loo xoreeyo inta ku harsan gacanta kooxda Al-shabaab.

Ugu dambeyn, waxay xildhibaannada beesha Hawiye ugu baaqeen Beesha Caalamka inay ixtiraamaan rabitaanka shacabka, gacana ka geysato sidii loo taageeri lahaa nabadeynta iyo maamul u sameynta degaanada gobollada dhexe; Hiiraan, Shabeellada dhexe iyo Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya