4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 15, 2015
Hoos-u-dhaca ku yimid Shillin Soomaaliga oo Walaac Xooggan laga Muujiyay


Axad, Feberaayo 15, 2015 (HOL) — Guddiga maaliyadda baarlamaanka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay qiimo dhac ku yimid shillinka Soomaaliga, iyadoo walaacan imaanayo xilli ay sii dhamaanayso lacagta shillinka ah ee laga istcimaalo Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga maaliyadda baarlamaanka Federaalka Somalia, Samaan Maxamed Sheekh Dahir ayaa sheegay inay walaac aad u xooggan ka muujinayaan qiima dhaca ku yimid Shiling Soomaaliga, iyadoo lacagta shillinka Soomaaliga uu u weynyahay xilliga 1,000 shillin un yar yahay.

“Hoos-u-dhac weyn ayaa ku yimid shiling Soomaaliga, maxaa yeelay dalka waxaa ku batay isticmaalka doollarka, shilinkiina meel laga isticmaalayo ma jirto, cid walba doollar ayay wax ku iibsataa,” ayuu yiri xildhibaan Samaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa ka sheegay xafladdii uu kula wareegayay xilka wasiirka cusub ee maaliyadda xilka kula wareegayay, isagoo ugu baaqay wasiirka inuu xoogga saaro soo nooleynta qimihii Shillinka Soomaaliga.

Xidhibaanka Samaan wuxuu sheegay in meel walba sida goobaha ganacsiga ay Somalidu wax ku iibsadaan doollarka, taasna aanay ahayn wax aan la aqbali karin.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha guddiga maaliyadda barlamaanku wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya lafteeda ay lacagaha canshuuraha ah ku qaaddo lacagta shiling, taasna ay qayb ka tahay dhibaatada xilligan dalka ka jirta sababna u ah qiimo dhaca shillinka.

Si kastaba ha ahaateen, tan iyo markii uu Soomaaliya ay galay burburka, waxaa aad u soo kordhaysay isticmaalka lacagaha qalaad, iyadoo lacagtii shillin Soomaaliga ay u muuqato mid meesha kasii baxaysa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya