4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 14, 2015
Kulan lagu Heshiisiinayo Beelo uu Dagaal Dhex-maray oo ka Furmay Garoowe

Sabti, Feberaayo 14, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camey ayaa maanta ka qayb-galay shir socon doona muddo shan maalin ah oo lagu dhex-dhexaadinayo beelo ku dagaalamay gobolka Karkaar.

Beelahan oo dagaalkoodu uu soo noq-noqday ayaa iska dilay tobanaan ruux oo shacab ah, waxaana uu markii hore ka bilowday muran soo jiitamayay oo ka dhashay dhul daaqsin ku yaalla deegaanadu ay colaaduhu ka jiraan.

“Waxaad ku qasbantihiin inaad nabadda yeeshaan waayo idinka ayaa u baahan, dowladuna ma eegan doonto arimahan oo kale “ ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka oo shirka ka jeediyay khudbad dheer.

“Guddiga heshiiskan ka shaqeynaya oo aad idinku soo doorateen waa inaad ogolaataan baaqooda, waayo maslaxadda nabadeed ee gobolka ayey ka shaqaynayaan “ ayuu mar kale yiri Camey oo tilmaamay in dowladdu ay qorshahan taageerayso.

Qaar kamid waxgaradka iyo culummada maamulka Puntland oo shirka joogay ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalsan oo kala ah beelaha Cali Saleebaan iyo Ugaar Saleebaan in ay nabadda qaataan ,isla markaana ay dib ilaah u xasuustaan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in wajiga labaad ee kulankan lagu qaban doono deegaanka Godmo si loo dhameeyo xurgufta u dhaxeysa labadan beelood ,isaga oo ka codsday in dhinacyada dagaalsan in ay hubka dhigaan.

Ugu danabyn, agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay in wajiyada danbe ee kulankan looga wada xaajoon doono sidii dhinacyada wax kala tabanaya loo kala saari lahaa.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]