4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 14, 2015
Gudoomiyaha Gobolka Galguduud oo ka hadlay dagaaladii Guriceel ka dhacay


Sabti, Feberaayo 14, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Gobalka Gal-gaduud ee DF Somalia, Xuseen Wehliye Cirfo ayaa ka hadlay dagaalladii Guri-ceel ka dhacay, isagoo sheegay in dagaalladaas aysan ku lug lahayn Ahlusunna.

Xuseen Cirfo ayaa sheegay in dagaalka ay ka dambeeyaan koox oo ku sheegeay inay yihiin kuwo yar oo magaca Ahlusunna Waljamaaca wata, laakiinse aysan ka mid ahayn, isagoo xusay in Ahlusunna aysan dagaalkaas ka qayb-qaadan.

“Guriceel waxaa soo weerartay koox sheeganaysa magaca Ahlusunna, balse Ahlusunnadii rasmiga ahayd way joogaan gobalka, dagaalkana kuma jiraan, nimankaan Ahlu-sunnada sheeganaya waa dad kooban oo dhinac uga leexday Ahlusunnada la yaqaan,” ayuu yiri Cirfo.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Galguduud ayaa intaas raaciayy inay ka socdaan hadda Guriceel dadaallo nabadeed oo lagu joojinayo dagaalladaas, wuxuuna tilmaamay inay ka socdaan degmadaas dadaallada nabadeed oo ay hormuud u yihiin wax-garad magaalada Dhuuso-mareeb iyo deegaanno kale ka kala tagay.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Galguduud ee dowladda Somalia kama uusan hadlin dhanka kale ee dagaalka Guriceel ku lugta lahaa, balse wuxuu rajo aad u wanaagsan ka muujiyay in xiisadda degmadaas ka tagan lasoo afjarayo dhawaan.

Si kastaba ha ahatee, degmada Guriceel ayaa waxaa maalmo ka hor ay dagaallo culus ku dhexmareen ciidammo taabacsan dowladda Somalia iyo kuwa taabacsan Ahlusunna Wal-jamaaca.

Colaaddan ayaa waxaa ku geeriyooday dad ku dhow 20-ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 50-qof, kuwaasoo gabi ahaan la dhigay isbitaalka Istarliin oo degmada Guri-ceel ku yaalla.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya