4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 14, 2015
Dagaal Ciidanka Itoobiya & Al-shabaab oo ku dhexmaray dulleedka Baydhabo


Sabti, Feberaayo 14, 2015 (HOL) — Ugu yaraan saddex ruux oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badnana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal ka dhacay maanta deegaanka Mooda-moode ee duleedka degmada Baydhabo.

Dagaalkan ayaa wuxuu u dhexeeyay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, wuxuuna ahaa dagaalku mid aad u culus.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka lagu dagaalamay ayaa sheegay in koox ka tirsan Al-shabaab ay weerareen gaadiid ay wateen ciidamada Itoobiya, halkaasna uu ka dhacay dagaal culus.

Saddexda ruux eek u dhintay dagaalka ayaan weli la sheegin dhinaca ay ka tirsanaayeen, iyadoo isbitaalka Baydhabo ee AMISOM la gaarsiiyay qaar ka mid ah dhaawacyadii ka dhashay dagaalka.

Xarakada Al-shabaab & taliska AMISOM ayaan weli ka hadlin dagaalka maanta ka dhacay duleedka degmada Baydhabo, waxaana sidoo kale ka hadlin maamulka uu hoggaaminayo Shariif Xasan ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Ciidankii Itoobiya ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin deegaankii uu ka dhacay dagaalka, iyadoo xoogaggii Al-shabaabna ay goobta isaga tageen, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaan-kaas ku nool.

Si kasta ha ahaatee, Moode-moode ayaa ku dhow degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ay ku sugan yihiin ciidmada ka socda dalka Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya