4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 14, 2015
Maxamed Axmed Caalin oo ka warbixiyay Shirar ka dhacay Degmada Guriceel


Sabti, Feberaayo 14, 2015 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Galmudug, Maxamed Axmed Caalin oo ku sugan degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia ayaa faahfaahin ka bixiyay kulammo uu la yeeshay dhinacyadii ku dagaalamay Guriceel.

Caalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in labada dhinac ee dagaalku dhexmaray ay la kulmeen ayna ka aqbaleen fikradihii ay u jeediyeen oo ah in dagaalka la joojiyo lana wada-hadllo.

“Labada dhinac waan la kulnnay laba arrin ayaan ka codsannay, kuwaasoo kala ahaa inaan dhex-geli karno, waana naga ogolaadeen, tan labaadna waa inaysan xabad dambe dhicin, wayna naga aqbaleen… taasina waa guul aan ku joono Guriceel,” ayuu yiri Caalin.

Sidoo kale, Caalin ayaa sheegay in odayaasha iyo waxgaradka Guriceel ay la kaashan doonaan xallin dhibaatadan, sidoo kalena ay ALLE la kaashanayaan in xal laga gaaro colaadihii ka dhacay degmadaas.

“Dadkii barakacayna waxaan ugu baaqnay inay guryahoodii kusoo laabtaan, waayo ALLE ayaa bixin kara damaanad ah nabadgalyadooda, laakiin innagu waxaan leennahay dhibka shacabka haysata uma dulqaadanayno, inay dib u soo laabtaan ayaana ugu baaqaynaa,” ayuu hadaliisa raaciyay.

Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa hadalkiisa raaciyay in ALLE laga baqo oo aan xabbad dambe la ridin, waxaana cid walba ugu baaqayaa inay caqliga kaashato oo laga gudbo colaadaha, nabaddana lawada qaato.

Dhinaca kale, wuxuu xusay inay hadda socdaan kulammo dheeraad ah oo ay ku doonayaan in nabadda bidhaantay lagu sii adkeeyo. Maadaama uusan dagaal wax faa’iido ah lahayn dhibaato mooyeen.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna ayaa ku dagaalamay degmada Guriceel maalmo ka hor, iyadoo dhinacyadu ay ku hardamayaan gacan ku haynta degmadaas oo dhinac walba uu arkayo inay tahay degmo muhiim u ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya