4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 14, 2015
Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Amniga oo Xilalka la Wareegay (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 14, 2015 (HOL) — Wasiirrada cusub ee arrimaha dibadda iyo Amniga Soomaaliya, C/salaam Cumar Hadliye iyo Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilalkooda, kaddib xaflado ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Somalia ayaa lagu qabtay xaflad uu xilka kula wareegay wasiirka cusub ee wasaarada arrimaha dibada ayuu xilka kula wareegay Hadliye, isagoo kala wareegay wasiirkii hore, C/raxmaan Ducaale Bayle.

Hadliye ayaa la wareegay dukumiintiyadii wasaaradda, iyadoo labada wasiir ee xilalka la kala wareegay ay goobta ka hadleen, iyagoo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay maanta xilalka la kala wareegaan.

Sidoo kale, wasiirka amniga gudaha, C/risaaq Maxamed Cumar ayaa wuxuu isna xilka kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda, Khaliif Axmed Ereg, kaddib xaflad ka dhacday xarunta wasaaraddu ay ku shaqeyso.

Ereg ayaa tilmaamay in wax badan ay u qabsoomeen wasaaradda muddadii uu xilka hayay, isagoo maamulka iyo shaqaalaha u mahad-celiyay, isagoo ka codsaday inay si wanaagsan ula shaqeeyaan wasiirka cusub.

Dhanka kale, wasiirka cusub C/risaaq Maxamed ayaa isagana wasiirkii hore ee xilka kala wareegay, isagoo tilmaamay inay horay u sii wadi doonaan shaqooyinkii socday, iyadoo loo howl-gali doono sida uu sheegay adkeynta amniga guud ee Somalia.

Xaflada xilal wareejinta ayaa waxaa ka qaybgalay shaqaalaha wasaaradaha iyo sidoo kale, guddiga uu ra’iisul wasaaraha Somalia u saaray xilalka ay la kala wareegayaan wasiirrada cusub iyo kuwii hore.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya