4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 14, 2015
Dabley aan la Garanayn oo Gurigiisa ku dilay Xildhibaan hore oo Kenyaan ah


Sabti, Feberaayo 14, 2015 (HOL) — Xildhibaan hore oo ka tirsanaa golaha baarlamaanka dalka Kenya, Philip Godane ayaa lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Syokimau ee gobolka Machakos ee dalka Kenya.

Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in koox hubeysan oo aan la garanayn ay ugu dhaceen gurigiisa 2:00 habeenimo ee xalay waqti ay isaga iyo qoyskiisuba jiifeen dabadeedna ay ku fureen xildhibaankan hore rasaas, taasoo keentay inuu iska goobta ku dhinto.

Saraakiisha booliiska Kenya ayaa intaas ku daray in kooxaha hubeysan ay isku dayeen inay dhacaan qoyska, balse markii ay iska-caabin kala kulmeen ay toogteen oo dileen Godane, balse wax dhibaato ah kama soo gaarin weerarkan xaaskiisa iyo saddex carruur ah oo uu dhalay.

Philip Godane ayaa ahaa sayga ay u dhacdo Kule Galma oo ahayd guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinkii deegaannada xuduudaha dalka Kenya ku yaalla, mana jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilkan.

Dilkan ayaa wuxuu deegaanka Syokimau ka abuuray xiisad kacsanaan ah; iyadoo shacabku ay dibadda u soo baxeen, xilli ay ka cabanayaan inay xaaladda ammaan ee deegaankoodu noqotay mid aad u sii xumaanaysa.

Taliyaha booliiska gobolka Machakos, Gideon Amalla ayaa saaka booqday guriga xildhi-baanka hore ee toogashada lagu dilay, isagoo suxufiyiinta u sheegay inuu uga tacsiyeynayo qoyska dilka Godane.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa dilka xildhhibaankan hore P. Godane oo laga soo dooran jiray deegaanka Moyale, Alle waxaan ka baryay inuu qoyskiisa ka caawiyo murugada lasoo gudboonaatay,” sidaa waxaa yiri Ukur Yatanni oo ah guddoomiyaha deegaanka Marsabit.

Yatanni ayaa xukuumadda Kenya ugu baaqay in laga hortago kooxaha dilka ka geysanaya deegaannada ku dhow xuduudaha, wuxuuna xusay in dilkan uu qayb ka yahay falal amaan-darro oo ka dhacayay gudaha dalka Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, Sabtidii hore ayay ahayd markii kooxo hubeysan oo watay gaari ay toogasho ku dileen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka wadanka Kenya oo laga soo doortay deegaanka Kabete oo magaciisu ahaa George Muchai, iyadoo lala dilay laba ilaaladiisii ah iyo darawalkiisii, mana jirto cid weli loo soo qabtay dilkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya