4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 14, 2015
Puntland oo Guullo ka Sheegatay Dagaalkii ka Dhacay Deegaanka Madashoor


Sabti, Feberaayo 14, 2015 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa ka hadlay dagaal shalay ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ku dhex maray deegaano galbeedka kaga beegan tuulada Galgala ee gobolka Bari.

Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Alloore oo maanta Garoowe shir-jaraa'id ku qabtey, ayaa sheegay in dagaalkii shalay dhacay ciidamada Puntland khasaaro baaxad leh ugu geysteen Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Lix iyo toban dagaalyahan ayuu wasiirku xusey in Al-shabaab laga diley islamarkaana laga dhaawacay labaatan iyo lix kale. Khasaaraha dhanka ciidamada soo gaarey mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay in labo askari dhinteen lix kalena dhaawac yihiin.

"Khasaaraha loo geystey kooxda Al-Shabaab wuxuu dhan yahay 16 dhimasho ah iyo 26 dhaawac ah inta la hubo...ciidanka waxa soo gaarey khasaare kooban oo ah labo mujaahid oo dagaalka ku shahiidey iyo lix dhaawac ah" Alloore ayaa sidaas war-fidiyeenka u sheegay.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Puntland ayaa mar kale ku eedeeyey maamulka Somaliland inuu taageero siiyo Al-shabaab isagoo xusay in dagaalyahanada Al-shabaab ee ka imaanaya gobolada koonfurtu kahor intaysan soo gaarin buuraleyda Golis inay soo maraan magaalooyin Somaliland ka tirsan oo Burco iyo Ceerigaabo kamid yihiin.

Ma jiro ilaa iyo hada war rasmi ah oo ku saabsan dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Madashoor oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya