4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 14, 2015
Muwaaddin Somali-American ah oo sharci-darro ugu xiray Magaalada Nairobi


Sabti, Feberaayo 14, 2015 (HOL) — Muwaadin Somali-American ah oo lagu magacaabo, Mahdi Cali Cabdi (Maaweel) ayaa si sharci-darro ah ugu xiran xabsi ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo HOL ay muwaadinkan ku booqatay xabsiga uu ku xiran yahay.

Mahdi Maaweel oo deggenaa magaalada Seattle ee dalka Mareykanka ayaa ku xiran xabsi Nairobi ku yaalla maalintii sideedaad, kaddib markii lagu eedeeyay inuu si sharci-darro ah ku joogo dalka Kenya.

Muwaadinkan Somali-American-ka ah oo HOL lasoo xiriira ayuu u sheegay in xabsiga uu ku xiran yahay siddeed maalmood oo xiriir ah, uusana ka helin taageeradii uu ka filanayay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Nariobi, maadaama uu yahay muwaadin Mareykan ah.

“Xabsiga waxaan ku jiraa siddeed maalmood, iyadoo la igu eedeeyay inaan dalka Kenya ku joogo si sharci-darro ah, anigoo haysta fiiso ama dal-ku-gal sharci ah oo aan ku joogi karo Kenya illaa 11-ka bisha Abriil ee sanadkan, sidoo kalena haysta baasaboor Mareykan ah,” ayuu HOL u sheegay Mahdi, iyadoo HOL ay aragtay sharciga uu Kenya ku joogo iyo baasaboorkiisaba.

Sidoo kale, muwaadinkan Somali-American-ka ah ayaa HOL u sheegay inuu ka cabanayo safaaradda Mareykanku uu ku leeyahay Nariobi aysan maalina lasoo xiriirin intii uu xirnaa, kana waayay gargaarkii uu ka filanayay ee ahaa waajibaadka ka saaran difaacdo muwaadi-niinta Mareykanka ah ee socdaalka ku maraya dalalka ku yaalla  geeska Afrika, sida Kenya iyo Soomaaliya.

Waxyaabaha ku qoran waqadda eedeynta muwaadinkan ayaa waxaa ka mid ah inuu yahay muwaadin Soomaali ah oo sharci-daro ku joogo dalka Kenya, taasoo uu Maaweel arrintaas gaashaanka ku dhuftay isagoo sheegaya inuu Kenya ku yimid si sharci ah.

HOL oo aragtay warqadaha sharciga ah ee uu ku joogo Kenya, iyadoo Mahdi Maaweel uu yiri. “Anigoo fiiso sax ah oo aan Kenya ku joogi karo illaa bisha Afaraad 11-keeda iyo baasaboor Mareykan ah ayaan la fiirin oo loo arkay in aan ahay Soomaali sharci-darro ku jooga Kenya.”

Si kastaba ha ahaate, dad fara badan oo Somali-American ah ayaa ku sugan Kenya; kuwaas oo xad-gudubyo kala kulma kala ciidamada ammaanka iyo dowladda Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya