4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 14, 2015
XASAN SHIIKH: Jarmalka waxaan u imi inaan isku sameeyo baaris Caafimaad


Sabti, Feberaayo 14, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa markii u horreysay ka hadlay baaritaanka caafimaad oo uu u tagay wadanka Jarmalka, isagoo sheegay in xaaladiisa caafimaad ay xilliga aad u wanaagsan tahay.

Xasan Sheekh oo isgoo ku sugan dalka Jarmalka wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in saddexdii sano ee uu xilka hayay aanu fursad u helin inuu baaritaan caafimaad sameeyo.

“Jarmalka waxaa u imid baaritaan caafimaad, sadexdii sano ee aan xilka hayay fursad uma helin inaan baaritaan caafimaad isku sameeyo, dhawaan dalka ayaa ku noqonayaa waa soo gaba-gabaynayaa, marka da’daan oo kale la gaarana waa daruuri in baaritaan caafimaad la sameeyo,” ayuu Xasan ku sheegay wareysigiisa.

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay inuu la kulmay mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Jarmalka, ayna ka wadahadleen arrimaha Soomaaliya, wuxuuna xubanah uu la kulmay la xusay xubno ka tirsan xafiiska RW dalka Jarmalka, Angela Markel.

Su’aal ku saabsanayd arrimaha musuq-maasuqa ka jira Somalia oo BBC-du ay weydiisay ayuu uga jawabaay. “Dowladeydu way la dagaalamaysaa wax walba oo musuq-maasuq ah, cidii lagu helana sharciga ayaa lala tiigsanayaa, mana jirto cid sharciga ka sarreysa.”

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in colaadda ka taagan degmada Guri-ceel ee Gobolka Gal-guduud ku baaqay in la joojiyo, isagoo cidii wax tirsanaysa ku boorriyay inay ka qayb-gasho wadahadalada nabadeed ee ka socda Dhuuso-mareeb.

“Colaadda ka taagan degmada Guri-ceel ma ahan mid ay ku lug leedahay Ahlusunna Wal-jamaaca, waayo hoggaanka sare ee Ahlu-sunna waxaan ku kulannay magaalada Dhuuso-mareeb waana ugu mahadceliyay kaalintii ay ka qaateen la-dagaalanka Al-shabaab,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo aan sheegin cidda kale ee dowladda dagaalka ka socda Guriceel kula jirta.

Xasan Sheekh ayaa maalintii arbacadii ka dhoofay Muqdisho balse ma uusan sheegin inuu baaritaan caafimaad u aadayo dalka Jarmalka, isagoo xaflad uu kaga qaybgalay Muqdisho habeenkii Arbacadu soo galaysay uu cudur-daar ka bixiyay ka qaybgalka xirtaanka kal-fadhiga shanaad ee baarlamaanka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilka loo doortay dhammaadkii sannadkii 2012-kii, isagoo horay baaris caafimaad oo noocan oo kale ah u tagay dalka Turkiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya