4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 14, 2015
Kooxo Hubeysan oo Sheekhii Afaraad Xalay ku Toogtay Magaalada Baydhabo


Sabti, Feberaayo 14, 2015 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu dilay Sheekhii afaraad oo lagu magacaabo, Sh. Aadan Ma'alin Cabdullaahi oo loo yaqiino Sheekh Aadan War-iisho oo ka mid ahaa Imaamka Masajidka ku yaalla Baydhabo.

Sheekh Aadan War-iisho ayaa wuxuu ahaa Sheekh si wayn loogu tixgiliyo deegaannada Koonfurta Soomaaliya; wuxuuna ahaa Sheekh diinta is aad u wanaagsan u bartay, gaar ahaan Axkaamta, sidoo kale wuxuu ahaa Imaam Masaajid weyn kana tirsanaa Majmaca Culummada Soomaaliyeed ee Ahlu-sunna Waljamaaca.

Marxuumka ayaa xalay lagu dhex-dilay gurigiisa, iyadoo toddobaadyo ka hor Baydhabo lagu dilay culummo ay ka mid ahaayeen, Sheekh Shariif Siid Cali, Sh. Sooma-daare iyo oday-dhaqameed lagu magacaabi jiray, Maxamed Xasan Dhimbil oo lala dilay wiilkiisa, iyadoo Baydhabo uusan wax ammaan ah ka jirin xilliyada habeenkii ah.

Ciidamada ammaanka Baydhabo ayaa waxay soo qabteen xubno ay shaki uga qabaan inay fuliyeen dilalka habeenkii dhaca; iyadoo aysan jirin wax la taaban karo oo hadda la hor-keenay maxkamad.

Hiiraan Online, Baydhabo