4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 14, 2015
AMISOM & Maamulka Jubba oo Qorsheynaya Dagaallo ka dhan ah Al-shabaab

Sabti, Feberaayo 14, 2015 (HOL) — Iyadoo xoogagga Al-shabaab ay si buuxda gacanta ugu hayaan gobolka Jubbada dhexe isla markaana ay ku sugan yihiin qaybo ka tirsan gobolka Jubbada hoose ayay masuuliyiinta maamulka Jubbaland waxa ay sheegeen in ay dhawaan gobolladan ka bilaaban doonaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee maamulka Jubbaland Mudane C/qaadir Xaaji Max'uud (Lugadheere) oo wareeysi gaar ah siiyay shabakadda HOL ayaa sheegay in dhawaan ay magaalada Kismaayo soo gaari doonaan ciidamo ka iman doona dalka Itoobiya iyo qaar kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

"Ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland oo iskaashanaya ayaa howlgalka si wadajir ah u fulin doona, waxayna howlgalladan ku wajahanyihiin goobaha ay gacanta ku hayaan maleeyshiyaadka nabad-diidka ah, saraakiisha AMISOM-na waan ka wada hadalnay arimahaasi wayna nala qaateen," ayuu yiri madaxweeyne kuxigeenka.

Shalay gelinkii danbe ayaa waxaa magaalada Kismaayo soo gaaray wafdi ballaaran oo ka socday AMISOM, kaasoo uu horkacayay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Maman Sidiku, waxayna u yimaadeen in maamulka Jubbaland ay kala hadleen howlgallada ay qorsheeynayaan in ay ka bilaabaan Jubooyinka.

“Gobollada Jubooyinka waxay hoy u noqdeen maleeyshiyaadka Al-shabaab, dhammaan kuwii laga soo saaaray gobollada dalka halkan ayay isugu yimaadeen, maamulka Jubbaland iyo AMISOM oo isgarabsanaya waxa ay isku raaceen in ay howlgalladaasi sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabo," ayuu madaxweeyne kuxigeenku hadalkiisii raaciyay.

Mar ay HOL weeydiisay xilliga ay howlgallada bilaaban doonaan ayuu yiri "Waa qorshe ciidan oo hadda saxaafadda kama sheegayo xilli ay howlgalladaasi bilaabanayaan, laakiin waxaan idiin sheegayaa in dhawaan gobolladan ay ka bilaaban doonaan howlgallo Shabaab looga xoreeynayo Jubooyinka."

Midowga Afrika ayaa wada qorshe gobollada Jubooyinka lagu keenayo ciidamo ka iman doona dowladda Itoobiya, waxayna arintaasi ka danbeeysay kadib markii ay gobollada Jubooyinka isaga baxeen ciidamadii ka socday dowladda Sieraleone, kuwaasoo dalkooda dib ugu laabtay kadib markii ay mudo dheer waayeen wax bedel ah, maadaama dalkooda uu ka dilaacay cudurka EBOLA islamarkaana la joojiyay in ciidamo dheeri ah ay ka yimaadaan dalkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya