4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 13, 2015
Kooxda Boko Haram oo Markii ugu horreysay Weerar ku qaadday Dalka Chad


Jimco, Feberaayo 13, 2015 (HOL) — Xoogagga Boko Haram ayaa markii ugu horreysay weerartay tuulo ku taalla gudaha waddanka Chad oo ay daris yihiin dalka Nigeria oo ay ka dagaalanto kooxdan.

Sarakiisha dalka Chad ayaa sheegaya in xoogagga kooxda Boko Haram oo doomo kaga soo tallaabay harada Chad ayaa xalay weeraray Ngouboua oo ah tuulo ku taalla gudaha Chad, halkaasoo ay dad ku dileen, guryana dab ku qabsiiyeen.

“Boko Haram ayaa soo weerartay gudaha dalkeenna, balse ciidamada ayaa dagaal la galay, wayna kala firxadeen, haddana waanu ku raad-joognaa,” ayuu yiri Col Azem Bermandoa Agouna oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Chad.

Wararka ayaa sheegaya in dadka ay tuuladaas ku toogatay Boko Haram uu ka mid yahay caaqilka tuuladaas. Iyadoo la sheegay in tuuladaas ay ku nool yihiin qoxooti badan oo ka fircaday colaadaha ay Boko Haram kawaddo dalka Nigeria.

“Amaanka tuulada waa mid si weyn looga walaacsan yahay, weerarkuna wuxuu qoxootiga iyo hay’adaha gargaarka ka shaqeeya geliyay baqdin aad u weyn,” ayaa lagu yiri hadal ay hay’adaha gargaarku kasoo saareen Geneva.

Ciidanka Chad ayaa la sheegayaa in haatan ay tuulada ka saareen kooxda dibna ugu riixeen dalka Nigeria oo ay kooxdu ka maamusho dhul ballaaran, iyadoo aysan jirin wax war ah oo dagaalkan ay kasoo saartay Boko Haram.

Xoogaga Boko Haram ayaa boqolaal kun oo Nigerian ah ku qasbay inay deegaannadoodii isaga cararaan oo qoxooti ay ku noqdaan dalalka dariska la ah dalkaas sida Niger, Chad iyo Cameroon.

Dalka Niger ayaa waxaa ku nool qoxooti Nigerian ah oo gaaraya 157,000 qof, sidoo kale 4,000 oo qoxooti ah ayaa iyaguna ku nool Cameroon, halka ay 17,000 oo qof oo qoxooti Nigerian ahna ay ku nool yihiin dalka Chad.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii ururka Midowga Afirka uu ku baaqay in la geeyo dalka Nigeria kumannaan askari si ay dagaal ula galaan xoogagga Boko Haram oo u muuqda kuwo dagaalkooda ku fidinaya dalalka ay dariska yihiin Nigeria.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya