4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 13, 2015
Ciidamada Puntland iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay deegaanka Madashoon

Jimco, Feberaayo 13, 2015 (HOL) — Dagaal ayaa maanta ku dhex maray deegaano ka tirsan buuraleyda Galgala ciidamada Puntland iyo Al-shabaab.

Dagaalka oo sida aanu wararka ku heleyno ahaa mid xooggan wuxuu bilowdey kadib markii goor hore oo saaka ahayd ciidamada dowladu weerar ku qaadeen deegaanka Madashoon oo qiyaastii 23km dhanka galbeedka Galgala ka beegan fariisinna u ah xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiil u hadlay laamaha ammaanka Puntland ayaa sheegay in ciidamadu dileen shan dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab mid kalena isaga oo nool gacanta ku dhigeen.

Saraakiisha kama hadlin khasaaraha dhankooda soo gaarey haseyeeshee wararka madaxa banaan ee laga helayo dagaalkii maanta dhacay ayaa sheegay in ugu yaraan labo askari dhinteen saddex kalena dhaawac soo gaarey.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalka maanta oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhanka Al-shabaab.

Iska hor imaadka ka dhacay Madashoon ayaa kusoo aadaya todobaad kadib markii Al-shabaab labo weerar oo qorsheysnaa ka fulisey gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Labada weerar midkood waxaa lagu soo qaadey saldhigga booliska Baalade halka midka labaadna lala beegsaday guriga uu magaalada Boosaaso ka degen yahay taliye ku-xigeenka booliska Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
xaajidirir@hiiraan.com
Puntland, Soomaaliya