4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 13, 2015
Soomaaliya oo Shaacisay inay Shidaalkeeda soo Saarayso Sannadka 2020-ka


Jimco, Feberaayo 13, 2015 (HOL) — Wasiirka bartoolka Soomaaliya, Daa’uud Maxamed Cumar ayaa shaaciyay in Somalia ay soo saaranayso shidaalkeeda iyo gaaskeeda marka la gaaro sannadka 2020-ka, kaddib baaritaano lagu sameeyay deegaano badan oo Soomaaliya ku yaalla.

"Waxaan rajaynaynaa in Soomaaliya ay soo saari doonto shidaal iyo gaas marka la gaaro sannadka 2020-ka, kaasoo shacabka Soomaaliyeed ay si weyn uga faa’iideysan doonaan, isla markaana la yareyn doono saboolnimada iyo in dalka cagta sarro jidka barwaaqada," ayuu yiri wasiirka shidaalka Somalia.

Dowlada Somalia ayaa tan iyo sannadkii 2009-kii dadaal weyn ugu jirtay si ay u soo saarto shidaalkeeda, iyadoo heshiisyo kala duwan la gashay qaar ka mid ah shirkadaha shidaalka baara ee caalamka.

Shirkadaha shidaalka baara ee ay Somalia heshiisyada kula jirto ayaa waxaa ka mid ah; Shell Plc, Exxon Mobil Corp, BP Plc iyo Chevron Corp, kuwaasoo la filayo inay Somalia ka billaabaan baaritaanno dhanka saliidda iyo gaaska ah.

Tan iyo markii uu Soomaaliya ka billowday dagaalka sokeeye ayaa waxaa hakad la geliyay baaritaano ay qaar ka mid ah shirkadahan ka wadeen Soomaaliya oo dhan, balse dowladda Somalia ayaa amar ku siisay inay dalka dib ugu soo laabtaan si u dhameystiraan heshiiskii ay la gashay dowladdii Somalia wixii ka horreeyay 1991-kii.

Wasiirka shidaalka Somalia ee xilka kasii dagaya ayaa bishii Oktoobar 2014 sheegay inuu rajaynayo in shidaalka Somalia lagu soo saaro muddo lix sano gudahood ah, balse mar kale ayuu bedelay aragtidiisii hore, iyadoo la filayo inuu xilka ku wareejiyo Max'ed Mukhtaar Ibrahim oo RW Sharma’arke uu u magacaabay xilka wasaaraddan.

Ugu dambeyn, shirkadda BP Review of World Energy ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saartay in Soomaaliya ay leedahay kayd shidaal oo aad u fara badan, iyadoo xustay in baar-itaano lagu sameeyay Badda Cas oo kala qaybisa Somalia iyo Yemen laga helay ceelal ay ku jiraan qiyaastii in ka badan 3-bilyan oo fuusto oo shidaal iyo gaas ah.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay 70% gacanta ku hayaan dhulka Somalia, kaddib markii ay dhul aad u ballaaran ka saareen Al-shabaab, dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya