4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 13, 2015
Jaamacad Cusub oo Ku soo Biirtay Jaamacadaha ka Jira Magaalada Muqdisho


Jimco, Feberaayo 13, 2015 (HOL) — Xaflad looga dhawaaqayay Jaamacadda cusub oo la yiraahdo SKY oo horay machad u ahayd ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, waxaana ka qaybgalay munaasabadda xubno ka tirsan dowladda, bulshada ururro iyo dhallinyaro.

Munaasabadda oo isugu jirtay qalin-jabinta dufcaddii saddexaad ee SKY oo kala bartay: Diploma of IT, Diploma of Nutrition, Diploma of Secretary iyo Computer Applications tiradoodu ahayd 79-arday iyo ku dhawaaqista in loo bedelay machadkan Jaamacad ayaa xubnihii ka hadlay waxay sheegeen in ay aad u soo dhaweynayaan hirgelinta Jaamacadda SKY ee xarunteedu ku taallo degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Jaamacadda SKY, Maxamed Macalin Xasan (Max'ed Yare) oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inay jaamacada u fureen sidii ay u dabooli lahaayeen baahida waxbarasho ee ka jirta degmaa Huriwaa, gaar ahaan dhanka arrimaha tacliinta sare, isagoo xusay inay sare u qaadayaan tacliinta sare ee dalka.

Sidoo kale, gudoomiyaha degmada Huriwaa, Maxamed Axmed Qoslaaye oo isna ka hadlay goobta ayaa tilmaamay inuu aad u soo dhaweynayo in laga hirgeliyo Jaamacaddii ugu hor-reysay degmada, isagoo ku baaqay in dhalinta ay u istaagto waxbarashada.

Waxaa kaloo ka hadlay xafladda, guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Jaamacadda Lafoole, Siraaji Canshuur oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa maamulka sare ee Jaamacadda ku boorriyay inay sare u qaadaan tacliinta dalka.

Xildhibaan Max'ed Cumar Dalxa ayaa ka sheekeeyay heerarkii waxbarasho ee machadka SKY uu soo maray, waxaana uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in laga bilaabo maanta mac-hadka SKY loo badalay Jaamacadda SKY, uuna soo dhaweynayo sare u qaadista tacliinta sare ee Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya