4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 13, 2015
Ururka Dhallinyarrada oo Daawo u Qaybiyay Dadkii Dagaallada ku Barakacay


Jimco, Feberaayo 13, 2015 (HOL) — Dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Beledweyne,ayaa sababay in ay guryahooda ka barakacaan boqolaal qof oo u badan caruur iyo haween xiliganna ku dhibaateysan qeybo ka mid ah magaalada.

Ururka midowgga dhalinyarrada gobolka Hiiraan oo ka mid ah ururada bulshada ka dhalisan gobolka, ayaa maanta deeq dawo ah u qeybiyay qaar ka mid ah qoysaska barakacay oo si ku-meel-gaar ah deegaan uga dhigtay laanta Heegan ee xaafadda Howl-wadaag.

Gudoomiyaha ururka Max'ed C/llaahi Buraalle Raaxeeye ayaa ugu baaqay labada dhinac ee dagaalamay in ay colaada nabad ku badalaan, una turaan  dadka rayid ah, isaga oo dhinaca kale amaanay doorka odayaasha dhaqanka ay ka qaadeen joojinta colaada.

''Dawada maanta aan u qeybinay qoysaska barakacay waa mid bilow ah, maxaa yeellay marka qofku uu ka barakaco deegaankii uu noolaa oo deegaan kale uu maciinsado, dabcan cudurada ugu badan ee lala kulmo waa shuban-biyood iyo malaariyo, sidda daraadeed waxaa gaarsiinay dawo ka hortag ah oo aan ugu talagalnay caruurta iyo haweenka ayuu yiri'' Max'ed C/llaahi Buraalle Raaxeeye.

Waxaa uu sheegay in deeqdan ay noqoneyso tii ugu horeysay oo la gaarsiiyo dadka bara-kacayaasha ah, waxaana ugu baaqay hay'addaha samafalka gudaha iyo jaaliyadaha dibada in ay soo gargaaraan qoysaska dhibaateysan.

Odayada dhaqanka gobolka Hiiraan oo todobaadyadii aynu soo dhaafnayba siweyn ugu howlanaa joojinta colaadda ayaa ku guuleystay inay hishiis kala dhax-dhigaan bilihii uu dagaalku u dhexeeyay, iyagoo ugu baaqay dadka barakacay inay dib guryahooda ugu soo laabtaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya