4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 13, 2015
Kenya oo Malaayiin lacag ah dul-dhigtay xubno ka mid ah Hogaanka Shabaab


Jimco, Feberaayo 13, 2015 (HOL) — Saraakiisha booliiska dalka Kenya ayaa lacag dhan 5-milayn oo Kenyan Shilling ah dul dhigay laba hogaamiye oo ka tirsan Xarakadda Al-shabaab oo u dhashay dalka Kenya.

Afhayeenka booliiska Kenya, Masoud Mwinyi ayaa wakaaladda wararka dalka Turkiga ee Anadolu u sheegay inay ku bixinayaan lacag dhan 5-milyan oo lacagta dalka Kenya ah oo u dhiganta 48,000 oo doollar ciddii keenta xog horseedi karta in lasoo xiro labo hogaamiye oo Al-shabaabta Somalia ka tirsan; kuwaasoo lagu kala magacaabo; Maxamed Maxamuud oo Dulyadeyn loo yaqaan iyo Axmed Iimaan oo Abu Zanira loo yaqaan.

Labadan hoggaamiye ayay dowladda Kenya ku eedeysay inay mas’uul ka yihiin weerarada Xarakada Al-shabaab ay dalkooda sida joogtada ah uga geysanayso. Iyagoo intaas ku daray in labadan hoggaamiye ay muddo fog raadinayeen.

Sidoo kale, booliiska Kenya ayaa rumeysan in Maxamed Dulyadeyn uu kasoo jeedo Garisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, dhowr jeerna uu safarro dhuumasho ah ku yimid gobolka ay Soomaalidu degto ee NFD.

Axmed Iimaan Abu Zanira ayay iyaduna booliisku sheegeen inuu horay uga qalin-jabiyay jaamacadda Majengo ee Mombasa, uuna Al-shabaab u qaabil-san yahay tababaridda dhal-linyarada Kenyanka ah ee ku biira Al-shabaab.

Qiyaastii 500 oo ka mid ah dhallinyarada Kenya ayaa la rumeysan yahay in ay ka tirsan dagaalamayaasha Xarakadda Al-shabaab, iyadoo kooxdan ay ka geysatay dalkaas dhowr jeer weerarro ay dad badan ku dhinteen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya