4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 13, 2015
Erdogan oo Mareykanka ku eedeeyay ka hadal la’aanta dilkii sadex Mulism ah


Jimco, Feberaayo 13, 2015 (HOL) — Madaxweynaha waddanka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa ku canbaareeyey madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama aamusnaanta uu ka aamusay dilkii loo geystey saddex dhallinyaro muslimiin ah oo lagu dilay gobolka North Carolina.

Erdogan oo uu garab-taagnaa madaxweynaha Mexico, Enrique Peña Nieto oo booqasho rasmi ah ku jooga Turkiga ayaa xusay in aamusnaanta Barack H. Obama, ku xigeenkiisa, Joe Biden iyo xoghayihiisa arrimaha dibadda, John Kerry ay muujinayso halka ay ka taagan yihiin ficillada caynkan oo kale ah.

“Haddii aad ka aamustaan ficillada noocan oo aysan bayaan kasoo saarin, adduunkuna waa idinka aamusnaan doonaa;” ayuu yiri Erdogan oo dilkan ku tilmaamay mid dunida oo dhan ay ka argagaxsaday.

Saddexda ruux ee dhallinyarada ah oo ahaa qoys ayaa waxaa gobolka North Calorina loogu geystay ayaa lagu kala magacaabi jiray; Deah Shaddy Barakat xaaskiisii, Yusur Maxamed iyo walaasheed Razan Max’ed Abu-Salha.

Booliska gobolka North Carolina ayaa dilkan u xiray, Craig Stephen Hicks oo 46-sano jir ah, wuxuuna caro badan ka abuuray dilkan dadka muslimiinta ah; gaar ahaan kuwa isticmaala shabakadaha isku xira bulshada iyagoo ku tilmaamay mid loo geystay dad aan waxba galabsan; Maraykankuna uu ka aamusay.

Turkiga ayaa ka mid ah gaashaanbruurta NATO, iyadoo carada uu muujiyay madaxweynaha dalkaas ay muujinayso in astaantan sida uu isbahaysigan ugu saaran yahay qarka inuu noqdo mid kala fikir duwan.

Ugu dambeyn, Erdogan ayaa ah hoggaamiyaha keliya ee dunida muslimiinta ee dilkan foosha xun cambaareeyay, wuxuuna si furan uga hadlaa baqdinta iyo Islaam nacaybka kusoo badanaya dalalka reer galbeedka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya