4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 13, 2015
Afar Qof oo ku Geeriyooday Gaari ku Rogmaday Duleedka Degmada Garoowe

Jimco, Feberaayo 13, 2015 (HOL) — Ugu yaraan afar ruux oo mid kamid ah ay haween tahay ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Garowe shalay galinkii danbe ,iyadoo gaarigan rogmaday uu ka soo kicitimay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Gaarigan ayaa ahaa nooca Soomaalidu u taqaan NOHA-da ,lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbaysa rogmashadiisa ,waxaana gaarigan u gurmaday dad goob-joogayaal ah,kuwaasi oo goobta ka ag dhawaa.

“Waxaa cisbitaalka la keenay afar ruux oo ku geeriyooday shilkan ,hadda waxaan la tacaalaynaa tiro shan ruux ah oo shilkan ku dhaawacmay  “ayuu yiri mid kamid ah gaadiidlayda ka dhex shaqaysa Gaalkacyo iyo Garowe oo la hadlay warbaahinta.

Axmed Jaamac ayaa sheegay in gaarigan uu dhowr jeer is rogay isaga oo sheegay in shilkan loo maleynayo in uu ku yimid xawaaraha gaariga uu ku socday oo ahaa mid aad u sareeya ,waxaana uu tacsi u diray ehelada dadkii ku waxyeeloobay.

Ugu danbayn, shilalka caynkan oo kale ah ayaa aad ugu soo badanayay wadada dheer ee isku xirta Puntland iyo Somaliland labadii sane ee la soo dhaafay ,waxaana inta badan eedda dusha looga tuuraa darawalada oo la sheego in aysan aqoon u lahayn wadidda gawaarida.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]