4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 13, 2015
Wiil Soomaali-Canadian ah oo lagu dilay Gobolka Alberta ee Wadanka Canada

Jimco, Feberaayo 13, 2015 (HOL) — Wiil Somali-Canadian ah ayaa lagu dilay gobolka Alberta ee dalka Canada, wiilkan oo 27-jir ahaa laguna magacaabi jiray, Mustaf Faarax Mataan ayaa waxaa toogtay ruux baxsaday oo aan illaa hadda la garanayn.

Mustaf ayaa la sheegay inuu ku dhashay dalka Saudi Arabia, ayna qoyskiisu xilli dambe dageen Canada, halkaasoo uu muddo ku noolaa, iyadoo walaalkii Axmed Faarax Mataan uu sheegay in ruux aan la garanayn rasaas ku furay Mustaf isagoo guriga ku jira sidaasna uu ku geeriyooday.

“Dhismaha lagu dilay wiilkaan waxaa la deggenaa dhallinyaro kale, waxaana la dilay 11:00 habeenimo, waxaana dhallinyaradii gurigaas ay ii sheegeen in qof uu albaabka soo garaacay, isagoo doonayay inuu albaabka furo, balse intii uusan gaarin ayay laba xabbadood ku dhaceen, taasoo uu u geeriyooday,” ayuu yiri C/qaadir Xuseen Baynax oo ah suxufi gobolkaas ku sugan oo u warramayay VOA-da.

Sidoo kale, wariyaha ayaa sheegay in baaris ay booliisku ku sameynayeen maydka wiilkan Soomaaliga ah maalin iyo habeen ayna sheegeen cidda ka dambeysay dilkiisa, ayna ku gaabsadeen in dilkan uu yahay mid shaki laga qabo sida uu ku dhacay.

“Booliisku waxay sheegeen in dilkan uu yahay mid ay weli ka shakisan yihiin oo ay baaritaanka sii wadayaan, inta baaritaanku soo dhamaanayana aysan hor-dhici karin,” ayuu hadalkiisa ku daray wariyaha madaxa-bannaan.

Mar la weydiiyay cidda looga shakisan yahay dilkiisa iyo inay jiraan cid ay is-dirirsanaayeen, ayuu wariyuhu ku jawaabay in tuhunnada ugu badan ee la qabo ay tahay in wiilan uu ahaa mid masaajidka ku xiran, balse aan weli la ogeyn arrintaas loo dilay iyo in kale.

Su’aal kale oo ahayd inuu ku lug lahaa mukhaadaraadka oo si aad ah la isku dilo, ayuu ku jawaabay wariye Baynax. “Wax lug ah oo uu ku lahaa ma jirto sida ay sheegeen qoyskiisa, waxaana laga shakisan yahay in dhallinyaradii guriga la deggenaa oo qaarkood maqan yihiin iyo kuwo kale oo raadsanayay uu falkan ku dhacay isagana lagu qaldamay,”

Waxaa kaloo la weydiiyay wariyaha in ciddii xabbada ku riday la arkayay iyo in kale, wuxuuna sheegay in illaa hadda aanay jirin cid sheegtay inay qofkii ku ridayay xabbada wiilkan ay arkeen. Wuxuuna intaa ku daray in Somalida ku nool Canada aysan inta badan kuma dhiirran karaan inay sheegaan haddii ay arkayaan qofkii xabbada ridayay.

Ugu dambeyn, wariye Baynax ayaa sheegay in illaa shan qof oo Soomaali ah lagu dilay dalka Canada intii u dhexeysa bishii December ee sannadkii hore 2014-ka illaa hadda, kuwaasoo uu ku jiro wiilkan, gabi ahaanna ay yihiin dhallinyaro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya