4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 13, 2015
Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Degmada Guri-ceel kaddib Dagaalkii shalay


Jimco, Feberaayo 13, 2015 (HOL) — Wararka maanta oo Jimco ah naga soo gaaraya degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in xaaladu degan tahay, inkastoo wali ay jiraan xiisado colaadeed oo u dhaxeeya ciidammada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ahlu Sunna oo dagaal culus shalay ku dhaxmaray bartamaha degmada.

Qof ku sugan degmada Guri-ceel  oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in aysan jirin wax rasaas ah oo la maqlayo, laakiin wali aan la oran karin dagaalkii ay soo afjarmay, waxaana uu intaa ku darray in bartamaha iyo daafaha degmada lagu arkayo gadiid dagaal iyo xoogag aad u hubeysan oo is hor fadhiya.

Sarkaal u hadllay dagaalyahannada Ahlu Sunna Waljameeca oo lagu magacaabo Xusseen Wardheere ayaa sheegay in aysan jirin cid ay kala gorgortami doonaan gacan ku heynta degmada Guri-ceel oo sidda uu hadalka u dhigay ay ka sifeeyeen wax uu ku tilmaamay gumeysi iyo Al-shabaab.

Dhinaca kale saraakiisha dowladda Somalia ayaa sheegay in xoogagga ka dagaalamaya Guri-ceel ka tirsaneyn Ahlusunna Waljameeca, sidaa daraadeed yihiin maleeshiyo ujeedadoodu tahay in ay amaan darro ka abuuraan gobolka.

Shacabkii ku dhaqnaa degmada ayaa intoodii badneyd isaga cararay iyaga oo gabaad ka dhigtay deegaannada nabadoon ee hoostaga degmada Guri-ceel, walloow wali ay jiraan dad ku si harsan xaafaddihii lagu dagaallamay.

Dagaallada degmada Guri-ceel ayaa ku soo beegmaya xili gobollada dhexe loo diyar-garoobayo maamul ay ku mideysan yihiin gobollada Galguduud iyo Mudug, waxaana muuqata in dagaalladan caqabad ku keeni karaa sii socoshada dadaallada la doonayo in lagu dhisyo maamul gobolleedka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya