4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 13, 2015
Xukuumadda Mareykanka oo ka Hadashay Xayiraadda Xawaaladaha Somalida


Jimco, Feberaayo 13, 2015 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay bankiyada dalkeeda oo xiriirka u jaray xawaaladaha Soomaalida ee la marin jiray lacagaha ku socda Soomaalida ku nool gudaha dalka, taasoo siyaabo kala duwan ay uga hadleen xildhibaanno Mareykan ah.

Afhayeenadda waaxda arrimaha dibadda Mareykanka, Jen Psaki oo qabatay shir jaraa’id ayaa sheegtay inay aad uga welwelsan yihiin joojinta lacagihii Soomaaliya loo diri jiray.

“Walaac weyn ayay nagu heysaa joojinta lacagaha loo diri jiray Soomaalida ku dhibaateysan gudaha Somalia,” ayay tiri Psaki oo intaas ku dartay inay arrintan kala hadlayaan madaxda jaaliyadaha Soomaalida Mareykanka iyo bangigii xiriirka u jaray xawaaladaha.

Sidoo kale, haweeneydan ayaa xustay in dowladda Mareykanka ay si rasmi ah u billaabayso dadaallo dib loogu fasaxayo xawaaladaha Soomaalida inay lacagaha u diri karaan Soomaaliya. Si ay dadka gudaha ku nool u helaan biil ay noloshooda ku maareeyaan.

Ugu dambeyn, dowladda Mareykanka ayaa hadalkan kusoo beegtay xilli ay dhawaan Qaramada Midoobay ka hadashay saameynta ay yeelan karto in la xiro xawaaladaha Soomaalida.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya