4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 1 , 2015
Agaasime ku Xigeenkii Heritage oo si KMG ah u sii Wadi doona Howlaha HIPS


Axad, Feberaayo 01, 2015 (HOL) — Iyadoo ra’iisul wasaaraha Somalia uu u magacaabay xil wasiirnimo agaasimihii Machadka Heritage, C/raxmaan Sh. Yuusuf Cali Caynte ayaa waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed uu mahachadka HIPS maanta soo saaray in howsha Machadka HIPS uu si KMG ah u sii wadi doono agaasime ku xigeenka, C/rashiid Xaashi.

War-saxaafadeedka machadka ayaa lagu xusay in C/raxmaan Caynte uu machadka HIPS u rajeeyay guul iyo horumar, iyadoo agaasime ku xigeenka uu si rasmi ah hoggaanka ula wareegi doono marka baarlamaanku ansixiyo golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya.

“Agaasime ku xigeenka machadka HIPS, C/rashiid Xaahis wuxuu si KMG ah u siin hayn doona xilka HIPS. Haddii baarlamaanku ansixiyo wasiirrada cusub Mr. Xaashi ayaa si rasmi ah ula wareegi doona hoggaanka machadka HIPS sida ku cad sharciga HIPS, isagoo si qoto-dheer ula shaqeyn doonaa golaha sare, deeq-bixiyayaasha iyo hay’adaha kale ee jaalka la ah Machadka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay HIPS.

Sidoo kale, warbixinta machadka ayaa la sheegay in howlihiisa ay ugu muhiimsan yihiin inuu sii wadan doono madax-bannaanidiisa iyo dhex-dhexaadnimadiisa, isagoo ka qayb-qaadan doono inuu kaalin wanaagsan ku yeesho jaan-goynta siyaasadda dalka, taasoo uu u sii mari doono cilmi-baaris iyo taxliil.

Ugu dambeyn, war-saxaafadeedka HIPS ayaa lagu xusay in Machadku uu u sii shaqeyn doono sidii u shaqeynayay tan iyo markii la aasaasay, waxaana howshiisu ku qortontaa cilmi-baaris dhameystiran.

C/raxmaan Caynte oo ah suxufi horay uga soo shaqeeyay HOL, BBC iyo VOA ayaa waxaa xilka loo magaacaabay ee ah wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga  caalamiga ah ee Somalia ayaa markii ugu horreysay oo uu ka mid noqdo gole xukuumadeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya