4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 1 , 2015
Marxuum Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo lagu Aasay Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 01, 2015 (HOL) — Marxuum Dr. Xuseen Sh. Axmed Kadare oo maanta ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Muqdisho ayaa gellinkii dambe ee isla maanta lagu aasay Muqdisho, iyadoo aaskiisa ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin horay xilal kala duwan uga soo qabtay Soomaaliya iyo kuwo hadda xilal ka haya dowladda Soomaaliya.

Waxaa Aaska marxuumka ka qaybgalay; madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cadde Gaabow, guddoomiyaha gobolka Banaadir & duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab), xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Dr. Kadare ayaa lagu aasay qubuuro ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo aaskiisa aysan ka qaybgelin madaxweynaha Somalia, ra'iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha golaha baarlamaanka Somalia, waxaana aaska kaddib laga sheekeeyay taariikhdii marxuumka iyo weliba xilalkii kala duwanaa ee uu soo qabtay intii uu noolaa.

Sidoo kale, marxuumka oo ku dhintay 80-sano ayaa wuxuu ka mid ahaa aqoonyahannadii Soomaaliyeed ee qoray Af-Soomaaliga, isagoo kasoo shaqeeyay Radio Muqdisho, wuxuu kaloo ahaa abwaan, halgamaa iyo qoraa ka tagay buugaag badan oo uu qoray, isagoo sidoo kale soo noqday agaasimihii akadeemiyada cilmiga, fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Allaha u raxmadee Marxuum Xuseen Sh. Axmed Kadare ayaa wuxuu sameeyay intii aan la qorin farta Soomaaliga, far loogu magic-daray Kadare, fartaas oo ka gashay kaalinta labaad qiimeynta farihii la qoray ee Af-Soomaaliga.

Tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Somalia marxuumku wuxuu ku howlanaa horumarinta farta Soomaaliga, isagoo ka qaybgalay shirar kala duwan oo looga hadlayay sidii Af-Soomaaliga loo horumarin lahaa.

Ugu dambeyn, dhammaan madaxdii ka qaybgalay aaskiisa iyo kuwa kale ee Somalia ayaa marxuumka ku tilmaamay inuu dhaxal ma guuraan ah uga tagay ummadda Soomaaliyeed, taasoo mar walba lagu xusuusan doono.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya